Sunday, May 28, 2017

abaartii siman iyo suugaantii laga tiriyay

abaartii siman iyo suugaantii laga tiriyay

Abaartan waxay soo bilaabtay sanadkii 2015 kii waxayna xalladii ugu xumayd gashay bilihii ugu danbeeyay 2016kii.

Dad iyo xoolo badan ayaa dhintey kuwo kalana Qarka ayay u saarnaayeen iney dhintaan Hadii Uusan roobku curan.

Abaartani waxay uga duwan tahay abaarihii Somalia soomaray Iyadoo gargaarka Caalamiga ah  Uu aha mid gababsiya,inkastoo ay socdaan dadaalo muuqda hadana ma ahyn Kuwo ku fillan mushkillada abaartan.

Ugu danbayntii abaartani oo ah mid si isku mid ah usamaysay dhamaan gayiga soomaalliyeed Ayaa dadkii usoo joogay Abaarihii hore waxay ku tilmaameen Iney kaga duwan tahay abaarihii hore sinaanta ay ku wadda dhuftay dhamaan dhulka soomaliye

waa abaar baaxad wayn oo saamaysay dad iyo duunyo umadda soomaaliyeed waxa ayna sababtay barakac iyo qax iyadoo xaaladu tagtay qf walba naftaydaay i bixi.
waxa gayiga soomaaliyeed meel walba ka bilowday is xilqaam iyo qaraan aruurin,waxa ka bilowday iskuulada jaamacadaha iyo masaajida olole wax loogu aruurinayo ummada soomaaliyeed ee ay dhibaataysay abaartu sidii uu ahaa dhaqanka soomaaliyeed
waxaa bilowday dhiira galin,guubaabo iyo wacyigalin la isku boorinayo taakulaynta dadka baahan  ee cidlada ku le aganaya haraadka iyo gaajada oo aysan cid u maqnayn ceelna u qodnayn.

sokeeyaha midkii kuu ahaa saaxib iyo waalid
ee soomaali kula sheegtay bay maanta sidataaye
siman iyo abaar xooganoo saaqday baa timide
sararuhu intay soo baxeen suulashii caguhu
gaajay lawada suuxayaan siigo meel baxane
sahal bay ku wada mawdayaaan sabiyo waayeele
adigunah inaad soonto iyo sii wax kuu furane
sadexdii waqtiba inaad cuntaa waa sawaabnimo e
waa sifo qalaad iyo waxaan suubanayn dhaqane
sawd qura intaad yeelataan saacida miskiinka
sacabadana taagtiyo gacmaha saatirna u laabta.

waxa abaarta baaxadeeda wayn iyo saamaynteeda aadka u balaaran darteed loo bixiyay magacyo badan oo ay kamid ahaayeen siman, kulmis iyo  kuwa kale oo badan o ka turjumayah
abaartaan waxa ay ahyd mid ku timi dunuubteena badan iyo usoo noqosho  la'aanta xaga alle aan usoo noqon waynay.

kulaylkaan qabniyo gaajadaan kaarka nagu beertay
kulmistaan na saamaysayee koonka wada gaartay
kaliilshiyo abaartaan jirtee kow nagaga siiyay
ee kuray ilaa iyo nin wayn uu kelyaha haysto
waa waxaanu keensanay ilaah nama kadeedeene
waa waxaan kalaamnoo falniyo kiis xageena ahe
inti aad fadhiga kaakacdaan kaligi weeyaane
kor u qaada gacmahoo ilaah kal iyo laabta tuuga

is xilqaankii iyo qaraan aruurintii dadka soomaaliyeed aad ayuu ugu fiday gayiga, mid shan bixiya iyo mid shan boqol bixiyaba qf kasta waxa uu dareemay in walaalihii dhibaataysan ay isaga sugayaan waxa sii labalaaban wacyigalinti,guubaabadii iyo kulamadii wax loogu aruurinayay dadka ku waxyeeloobay abaarta.

inwalaalkaa baaba o haraad gaajana bukoodooo
oo beerku lafihii ku dhagay boguna laalaadooo
oo boorka jiifiyo cidlada halaqu buux dhaafshay
adna aadan biidnow tarayn waa baraarnimo e
waxuun bixiya aakhiro janada kama aad bayrtaane

abaartii waxa ay noqotay mid sii fidah oo saamaynteedu sii badato waxaa baxay xoolo badan waxa nafaqo daro u dhintay waayeel,caruur iyo haween soomaaliyeed waxaa is dilay baahi iyo cayr darteed dhalin yaro soomaaliyeed.
iyadoo xaaladu tahay ari war ma leh iyo sidaas ayaa dhanka kale waxa socday roobdoon iyo All-bari dhamaan Gayiga Ay Dagto Soomaalidu.

aloow aadmi dhamaantii
Waxay quud ka dhigtaan iyo
Waxa dhuuni la qaato
Adiguu dhanka kaagiyo
Dhinacaaga ag yaaloo
Kaa dhamaaninahyn
Abaar baa na dhamaysoo
Dhimashay dadkii maanta
Ay ku dhawba yihiine
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji

Midka jooga dharkiinlay
Mid wuqooyi dhex taagan
Barigaaa mid dhawaaqi
Dhankastoonu ag naalno
Dhibaataa nagu haysoo
Waxaan dheel u samayniyo
Waa waxan ku dhaqaaqnoo
Dunuub weeye dhankeena ah
Eeboow noo danbi dhaafoo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji

Xoolahaan dhaqanayniyo
Dhawaaquu diri diinku
Dhurwaagaa cabanaaya
Daanyeer dhiigu yaraaday
Haraadnow dhimanaaya
Doofaar dhuubtay abaar
Gacmuhuu dhiganaayo
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji

Dhagaxuuntiyo ciidiyo
Dhirta roobka u baahan
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji

Dhabta duulka ku jiifiyo
Intii sii ah dhalaanoon
Dhabarkooda la saarin
Qalin dheer iyo buug
Qaladkay ku dhacaana
Dhabtii looba qoraynin
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji

Saq dhexaadka habeenkii
Kolkii aad halkaan dhaw
Usoo dhaadhici hoos ood
Yaa dhawaaq i faraaya
Danbigiisa u dhaafi
Dhawrsadaayo ajiiba
Kolkii aad na dhahayso
Ilaahoow dhulka dooji
Kuwa kuugu dhawaaqi
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhambaalkay dirayaan
Dhibicdaada siiyoo
Dhulka noogu qabooji

Dhawrsanoow nabigeena
Dhaxalkiisiyo diinta
Kuwa dhiigiyo maalka
U huraaya mar dhuuxa
Dheehda oo na baraaya
Dheeg kitaabka u saartay
Shuyuukhdeena dhamaantood
Waxa ay dhahayaan iyo
Dhambaalkay dirayaan
dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyoo
Dhulka noogu qabooji

Adoonkaaga dhibtaysanoo
Dhacay oo baqtinaaya
Ay abaartu dhamaysay
Sacab kuu dhiganaayo
Dhakhso noogu ajiiboo
Dhibicdaada na siiyo
Dhulka noogu qabooji.

Kadib Curashadii Roobka Gu'a Waxaa Bilowday Rajo Wanaagsan Iyo Rayn-rayn Lagu Soo Dhawaynayo Roobka Oo Ahaa Mid Uga Bilowday Guud Ahaan Dhulka Soomaalidu degto Meelihii ugu Horeeyay Ee Roobku Ka Curtey Ayaa Ahayd Gobolka Bari,Nugaal,mudug,Sanaag Iyo Sool Roobab kii igu badnaa Ayaa ka Da'ay Gobolka mudug Gaar Ahaan magalada Goldogob.

xagga mudug warkaa nooga yimid waa xamdi ilaahe
bari xaashidaan noogu timid xiiso wow qabaye
gurmad xaakim noo soo diroo xoog leh ba da aye
wax la yiri xareedbaa galdogob xas kastaba taale
roob xalayto lagu diirsadaa helay xaqiiqdiiye
xaafadaha biyaa wadhan la yiri suuqyadii xiraye
xurfadaa ku liqi baliyadii wada xariirnaaye
xiska qabow u roon iyo saxansaxaa xaaqday dhamacdiiye
xigtadii abaaruhu dileen way xadrayn faraxe
wax badalay xagaagii darnaa xul iyo khayraade
xaraguu la wada qaylyayaa rahii xaraysnaaye
isagiyo xaaskuu qabayba way xamdiyayaane
xayawaanadii iyo dhamaan xoolihii quruxe
sidii ay xil culus soo hanteen xoog dabaal daga e
dhirtii boorku xulay iyo geedihii xaad yar baa kodhaye
caleemaha dhibcaha xoorayaad ku xasilaysaaye
xamar buu udgoonkeedu tagay daa xigaalada e
xagaan joogo iyo boosaasadaan kala xariiraaye
xakiimkii nimcada noo shuboow xariga noo giiji
xag kastaba aloow gee roobku waa xididideheeniiye

Abaartaas Ayaa Ahayd mid Cashar Iyo Waaya Aragnimo  laga bartey.

Sugaanta Abwaan:Bilaal Ahmed Welli
W/Q:-Mahmoud ali Jirde siciid

gabayo : doorashadii soomaaliya 2017

Gabayo Ku Saabsan Doorashadii Soomaaliya.

Doorashadaas Oo Ahayd Mid Taariikh Ah Ayna Kasoo baxdey Jawaab lagu farxay.

Doorashadaas Waxaa Ku Tartamayey Murashaxiin badan Oo Ay Kala Taageer sanyihiin Dawlladaha Dariska Balse Aakhirkii Waxaa Isugu Soo haray Madaxweynihii Hore Ee Dawllada Federalka Soomaaliya Xasan Shiekh maxamuud Iyo Musharax Farmaajo Oo Horey Usoo Noqday Ra'iisul wasaarihii Dawlladii Badbaado Qaran Ee uu madaxweyne Ka Ahaa Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed.

Mudane  Xasan Shiekh maxamuud Ayaa Taageero Ka Haystay Dawlladaha Deriska Iyo Guud Ahaan calaamka,Taas Se Ma ahayn Mid Ay ku faraxsanyihiin Umadda Soomaaliyeed Badankoodu iyagoo kusoo daalay afartii sano oo uu hayay johorada xilka madaxwaynanimo ee dalka oo ay ku dhaliileen musaasuq,wax is daba. marin iyo gaal kalkaal.

afartii sanuu shilin urursi iyo shawr qamaar galaye
sharaftii dalkuu ciida gashay oona shaabadaye
shaki buu dalkii kala dhex dhigay shoog xun oo ba ane
shuluq gaalku diro buu ahaa shar iyo shaydaane
xasan sheekh hadaan loogu shubin waa shukri ilaahe dheh.

Farmaajo Ayaa Taageero Ka Haystey Shacab Ka Soomaaliyeed Iyo Kalsooni Aad U ballaaran Nasiib Wanaag way U rumoowday Riyadoodiii raagtay iyagoo aad ugu farxay markii ay maqleen farmaajo inuu kusoo baxay xilka madaxwaynaha qaranka waxa ayna mahad naq iyo bogaadin u direen xilibaanadii wadaninimada muujiyay.

Dhagar diide xilibaanadi dhaladka waynaaye
dhaartiyo kitaabkii haday kaga dhabeeyeene
iska roge dhaleecayntii iyo dhaawici jiraye
xilka waxay u dhiibeen nimaan dhaqan naqanaaye
dhawrkii bilood buu hantaday dhiig kalsoonimo e
dheel dheel kumuu helin shacbiga dhalin yartisiiye
wayeelku uma dhafreen dhaws hadu yahay
dhabada gaarigi nooga jabay yuu dhaqaajiyaye
gudcurkuu na dhaafiyay intuu layrar no dhigaye
naga dhici waraabaha intu dhagax ku tuuryey
dhinacyadana awd geesibaan dhaguhu laabnayne
noo dhaam amxaarada kuwii so dhawayn jiraye
dhiiranimada iyo daacaduu dhaafsanayn lacage
waa nimaan dhexqaad iyo aqoon dhuumashiyo ceebe
xilkuu dhabarkow riday eebahay haku dhaqaaleeyo

guusha kadib markii uu farmaajo ku guulaysty xilka madaxwanaha waxaa dalka guud ahaan laga dareemay xamaasad wadaninimo iyagoo iskugu soo baxay fagaarayaasha iyo baxdaha magaalooyinka iyagoo u muujiyay dawlada kalsooni soona dhaweeyay

guusha caawa farmaajo
tartankii uu ka gaaray
gudoonoow madax wayne
Geesigeenii halyeeygoow
Garabkaa qabay eebe
Calankaagu ma gaabto
Guntigaagu ma jeexmo
God abeeso ha tiinban
Dhagar gaalo samaysay
Gogoshaada ma laabto
Waligaa na gardaadi
U gurmoo shacabkaaga
U gargaar dalka hooyo
Gabaygii lagu qaaday

Sacabkii la garaacay
Wax sarkaal gumuc wayn li
Ciidan tuuta galaalan
Gaardiyaan si dareen leh

Waxa qaylo kor guuxda
Gariirkeeda rasaasta
Cirka uu sare gaaro

Wuxu gaari rakaaba
Guradiisa uu yaalo
Garaadoow calankeenu
Hadba gees u socdaaloo
Soomaalaay gam`a wayneey
Goortan toosa la qaado

Gudcurkii naga suulyay
Gayigeenii ilaysbaa
Wada gaaray iftiinshay
Geedigiina dhaqaaqyay
Anaa kaa guda wayn iyo
Gobolaysi dhamaayoo
GABRE qaaday xasiiga.

gun iyo gabagabadii halkaas waxaa ka dhalatay dawlad shacab waxaana ummada soomaaliyeed taageeridoodu muujinaysaaa bisayl iyo rabitaan qaran mideeya.

Abwaan:-Bilaal Axmed Cismaan
W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

Thursday, May 25, 2017

Allaw nagaarsii Bisha ramadaan ka


               

Waxaa nagu soo foodle asbuucan Hadu Alle Idmo bishii barakaysnayd Ee ramadaan (Soon-Qaad kii)bishaasi; waa jaanis sanadkiiba mar ina soo mara,waxaa jira dad badan oo soonkii hore joogay lakiin Maanta dhintay oo aan haysan jaaniskaas Oo Kale.

Waa bil ay ku jirto hal hameen oo ka khayr badan kun Bilood,sido kale wa bishii tobanka hore Ay ahayd danbi dhaaf ka toban ka dhexena naxariista toban ka danbana naarta layska xoraynayey.

Waa bishii qur'aan akhriska alla kacabsiga
Iyo wax labixida,waa bil muhiimad weyn u leh qofkaste oo muslim ah.

Bishaan shayaadiinta kamaamuurta ah Ee madaxa Adag ayaa lajeebeeyaa oo la xir-xiraa waana bil khayrkeedu badan yahay.

Waxaa La furaa Al-baabada Janada,
Waxaana La Xiraa Al-baabada Naarta.

 Sidaas daraadeed iyadoo laynaka rabo markasta inaan ahaano dad " Update Ah"Misna bishaan waxaa layna ka rabaa si khaas ah inaan uga faa'iideyno.

W/Q.Mahmoud Ali Said Isse

Wednesday, May 24, 2017

Manshaa'allaah Gabay Qiimo badan Hurda seexo hadal aan wax tarin gelinba Ruux hayso

○Hurda seexo hadal aan wax tarin gelinba Ruux hayso

○iyo Hor umar iyo Dawladnimo laysku Heliwaaye

○Habda Ruux ku bood Iyo Dagaal Had iyo jeer taagan

○iyo gacalka Oo Loo Hanjabo Qorina loo Haysto

○iyo inaad adigu nabad Heshana laysku Heliwaaye

○Habsaan iyo Adoo Raba inaad waali ku haraadid

○iyo Hor u kac in Aad tiigsatana laysku Heliwaaye

○ Hashiisii nimaan soofsan Ee meelsan ku Hagaajin

○Aan Hilimo geeda leh ku furin kana Horayin Aarka

○Iyo caano Aad ka Harqtaa laysku Heliwaaye

○Adigoo colkii kugu Habsaday haysto dhabarkaaga

○Aad tiri Halyeey baa tahaye Halakan soo seexo

○iyo inuu Hadhow kaa tagana laysku Heliwaaye

○Habaar kii shaqastiyo ninkii Hooyo caasiyaba

○Iyo inuu Hanado baariya dhalaa Lays ku Haleeyo

○Aw Hayn ka sugo saadambadaan Laysku Heliwaaye

○Adigoo Haraad yaabano Hawdka ku asqoobay

○Heegada Ka soo curatay bari Roobkuna Haleelay

○Reerkaad Hormuudka U tahee Hawsha Nabdoonka.

○Hadii Aad Abaar u Horkacdee ku Heligtee Geyso

○iyo caano iyo Hilib macaan laysku Heliwaaye

○Hurdo ninman ka kicin Ee shaqana ku Hamin

○Aan Raadin iyo Hooy Qurxoono la Dego laysku Heliwaaye

○Habka Dowladnimo iyo wanaag Heerarka Aduunka

○ iyo fowdo lagu Haysto meel laysku Heliwaaye

Curiye:Mahmoud Mohamed Atto

W/Q:Mahmoud Ali Said Jirde


Abwaan.Mahmoud Mohamed Atto

Monday, May 22, 2017

Sheekadan Ummal Khayr Cawadaan kasoo qaday Qosol iguma Reebin ilaa hada Bal Akhri Qofka Khash Khashaya Ayaa la is waydiin Yaad ummalayn??

Maareeye ayaa wacay xoghayntiisa. Wuxuu u sheegayin ay isu diyaariso safar usbuuc ah oo ay dalka dibaddiisa, maadaama ay shaqo u baxayaan.

Xoghayntii iyaduna waxa ay wacday ninkeeda una sheegtay in ay safar usbuuc ah baxayso.

Ninkii isaguna wuxuu wacay gabadh uu xidhiidh qarsoodi ah ka dhexeeyo, wuxuuna u sheegay in ay xaaskiisii baxayso is la markaana ay labadoodu wakhtiwada qaataan usbuucaas.

Gabadhii, iyaduna waxa ay wacday wiil yar oo ay casharro guriga ugu bixin jirtay waxayna u sheegtay in usbuuc uu fasax yahay maadaama ay mashquul tahay.

Wiilkii yaraa isaguna wuxuu wacay awoowgii (maareeyaha) wuxuuna ka codsaday in uu usbuuc wakhti la qaato maadaama macallimaddu fasaxday.

Maareeyihii wuxuu wacay xoghayntii wuxuuna u sheegay in socdaalka uu ka laabtay maadaama wiilka awowga uu u yahay uu Ka codsaday usbuuc in uu wakhti la qaato.

Xoghayntii waxa ay wacday ninkeeda una sheegtay in socdaalkii baaqday.

Ninkii wuxuu wacay naagtii xidhiidhka qarsoodigu ka dhexeeyay, wuxuuna u sheegay in arrintu kala kacday.

Gabadhii iyaduna waxa ay wacday wiilkii yaraa una sheegtay in casharradii ay soconayaan kana laabatay qorshihii hore.

Wiilkii yaraa wuxuu wacay awowgii una sheegay in fasaxii laga noqday casharradiina u soconayaan.

Odaygii wuxuu wacay xoghayntii una sheegay in qorshuhu sidii hore yahay!!

Illaa iyo hadda waxa aan la yaabban ahay Qofkee qorshayaashan kala kiciyay??

W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

Sunday, May 21, 2017

WAA GABAYGII ABWAAN.MAHMOUD MOHAMED ATTO

●Ilaahayoow adaa caadilo lagu ciseeyaaye

●Ilahayoow markaan caajisee talo ciriiryoonto

●Adaan caafimaad. kaa
barayaa kuna cararaaye

● ilaahayoow cadaabta
iga hayi hana I ceebaynin

● ilaahayoow. Adaa wada
cafiya duul ku caasiyaye

●markii ay naftaydii
caroow Aakhiro u ciirto

●camal kaaga mooye. Mar .aan
Cidi Iskaalmaynin

●carabkii shahaadada karahe Eebe ku
casuuntid

●ilaahoow. Adaan Ka cosaday. Caadil baa tahaye

● ilaahoow mid kugu caasiyoo. Towbad cayaara

●cadaab Aakhiriyo. Midaan ka biqin maalin. Lays celiyo

●midaan camalka khayr iyo sunada dhab u cisaynaynin

●Ha I siin cadaab Ruux kasbada caadil batahaye

●waxaan caafimaad Haysano nabad ku cayshnaaba

●Waxam caynba cayn iyo caruus marar cayaarnaba

●Mar Hadaaan Aduun la calmadaa. Cidi ku waaraynin

●Cafis Baan Rabiyoow kaa. Baryey . Caadil batahaye

●Mar Hadaan Cadceed dhici nahoo galab caraabaysa

●Cawo Iyo Nasiib Ruux leh baa Eebe caabudahe

●cafis baan Rabiyoow kaa
Rabaa caadil batahaye

●mar Hadii nin cood badan
wato caynwalba haysta

● iyo kii Wuxu cuno LA.aa. kana
cashaynwaayey

●casar laga tegaayo dunida cidna joogaynin

●cafis Rabiyoow kaa baryay caadil baa tahaye

●Cidkastoon jeclayn Xaqa waa lagu cadaystaaye

●cadownimada. Beentu Camalkii shadaane

●Qofkaan Eebe
caasiya xaquu ka cidi jiidaye

●qabri yaro ciriiriya markii
ciida nala seexsho

● cadaab iyo janaa lagu socdaa labada
ceymoode

●casarkii qiyaamadu dhacdee .cidi nagaanaynin

●ilaahayow ceqaabta iga hayi caadil baa tahaye

Curiye.Abwaan Mahmoud Mohamed Atto

W/Q:-mahmoud Ali Said Jirde.

Saturday, May 20, 2017

35,568 OO ARDAY AYAA UFARIISTAY GUUD AHAAN IMTIXAANKA SHAHAADIGA EE SOMAALIA MARKA LAHA REEBO SOMALILAND.

Waxaa Wax lagu Farxo Ah In Ardayda Soomaaliyeed Iyagoo Xallado Adag Ku Jira Oo dhanka Dhaqalaha Iyo Tacliinta Ah  Misna Inay Wadaan Dadaal muuqda.

Waxay U Baahan yihiin In Lajiheeyo Oo Laga Fekaro Sidey Tacliintooda Usii wadan lahaayeen.

Waxaa Kaloo Meesha Ku Jira In Qorshe Sax Ah La Helo Oo ah Ardeydu Waxey Baran lahaayeen Kuwa Jaamacadaha Gallaya Si Loo Helo Dad Aqoon leh Oo Isku dheeli tiran.

Inshaa'allaaah Guul ayaan Inii Rajaynayaa Dhamaantiin Ardada Soomaaliyeed.

Thursday, May 18, 2017

Akhriso Taariikh Nololeedka: Sheekh Dr. Cumar Cabdi Raxmaan oo Ku Dhintay Xabsi Kuyaal Wadanka Mareykanka.

Sheekh Omar ayaa waxa ka badan 20 sanadood ku xirnaa Xabsi kuyaal USAAllaha unaxariistee waxaa xabsi kuyaal gudaha wadanka Mareykanka ku geeriyooday sheekha caalimka ah Dr.Cumar Cabdi Raxmaan oo in kabadan 25 sanadood u xirnaa Mareykanka.

Gabadh uu dhalay Sheekh Cumar ayaa baraha bulshada ee Internetka ku sheegtay in aabaheed uu dhintaymaanta gelinkii dambe kadib markii xaaladdiisa caafimaad ay maalmihii lasoo dhaafay sii xumaanaysay.

Sheekha ayaa tacdiibin iyo jirdil daran kala kulmay saraakiisha ammaanka Mareykanka sanadadii uu u xirnaa, dhimashada sheikh Cumar Cabdi Raxmaan ayaa imaanaysa xilli dowladda Mareykanka ay maalin ka hor sheegtay in ay uwareejin doonto dhanka wadanka Qadar islamarkaana ehelkiisa ay uyeertay si ay ugu wehliyaan safarkii lagu geyn lahaa Qadar.

Taariikh Nololeedka Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan.

Alle ha unaxariistee Sheekh Dr. Cumar Cabdi Raxmaan ayaa ku dhashay degmada Al-daqlahiyah ee dalka Masar sanaddii 1938, isagoo 11 sana jir ah ayuu Aragga belay isla sanadkaas ayuu dhammeeyay xifdinta Qur’aanka Kariimka.

Sanaddii 1960 ayuu shahaadada Dugsiga sare ee Thaanawiga ka qaatay Al-azhar sidoo kale sanaddii 1965 ayuu ka qallin jabiyay kuliyadda Usuusha diinta ee magaalada Al-qaahira wuxuuna shahaadadaasi ku helay martabadda Mumtaazka ee ugu sarraysa.

isla sanadkaas ayay wasaaradda Awqaafta iyo diinta Masar siisay ijaazada in uu imaam ka noqon karomasaajidda Mandiqadda Alfayuum.

Sheekha oo ahaa daaci aan xaqqa qarin ayaa dhuunta ugalay xukuumadihii faasidiinta ahaa ee Masar soo maray, sanaddii 1981 bishii November ayay xukuumadda Masar Xabsiga dhigtay waxaana lagu eedeeyay in uu ku lug lahaa dilkii Anwar Saadaad.

Balse bishii October 1981 ayay maxkamadda Melleteriga Masar xukun kale ku ridday sheekha oo xilligaasi ku eedaysnaa aas-aasiddaJamaacada Islaamiga Masar iyo ku lug lahaashiyaha dilkii Anwar Saadaad.

Sanaddii 1993 ayuu Sheekh Cumar u safray wadanka Mareykanka balsesanaddii 1997 ayay dowladda Mareykanka xabsi daa’in ku ridday isagoo ku eedaysan in uu ku lug lahaa qaraxyadii ka dhacay magaalada New York islamarkaana uu faafinayay wax ay ugu yeereen Xigrnimada.

Sirdoonka Masar ayaa gacan weyn kulahaa in dowladda Mareykanka ayxabsi daa’in ku xukunto Sheekh Cumar Cabdi Raxmaan.

Refrence.Liibaan Jeexoow Cabdi
W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

DHUL-BEEREED jirdenews

LA SOCO MAQAALADA LAGU DAABACO

Gabar ka tirsan qoyska reer Boqor ee dalka Jaban ayaa kala dooratay guur iyo mansab boqortooyada ka dib markii ay sheegtay inay ka tanaasulayso darajada Amiirad aynadoorbiday inay guursato nin caadi ah taasi oo ay ku waynayso maamuuska Boqortooyo ee ay leedahay.

Gabadhan oo lagu magacaabo Amiirad Mako, oo 25 sano jir ah ayaa waxaa awoowe u ah boqorka dalka Jaban Akihito waxayna guursan doontaa Kei Komuro, oo ka shaqeeya xafiis Qareen kaasi oo ay isku da'a yihiin.Amiirad Mako ayay isbarteen ninka ay calmatay sanadkii 2012 xilligaasi oo ay iskuJaamacad dhigan jireen, waxaase seeto iyodabar u noqday sharciga u yaal qoyska Boqortooyada oo dhigaya in haddii qof ka tirsan qoyska Boqortooyada uu damco in uu guursado qof caadi ah ay tahay in uu iska dhigo darajada ama maaqaamka Boqortooyada.

*.Jaajuus shaqadiisa ku waayay jacayl

*.Jacayl dhexmaray gabadh Ciraaqiyad ah oo qaxooti ah iyo askari reer Mecadonia ahTallaabada ay qaaday gabadhan ayaa waxaa laga yaabaa inay dhaliso dood culus oo ku aadan silsalada dhaxalka boqortooyada iyadoo la filayo in boqorku uu is casilayo.

Aqalka Boqortooyada Jaban ayaa u sheegay warbaahinta gudaha inay socdaan qorsheyayaal ku aadan guurka Amiirada, waxaase doonista ay noqon doontaa mid rasmi ah marka la isdhaafsado hadiyado.

Mr Komuro oo Arbacadii shalay la waydiiyey arintan wuxuu yiri "Hadda ma ahan waqtigii aan arintan ka hadli lahaa, waxaanse hadli doonaa marka ay noqoto waqtiga munaasabka ah".

Arrintan hadda ka hor ma dhacday?Haa, Hadda ka hor Amiirad Mako eedadeedAmiirad Sayako ayaa sanadkii 2005-tii waxay guursatay nin ka mid ah dadka caadiga taasi oo ahayd markii ugu horreysay taariikhda boqortooyada Jabaan.

Gabadh caddaan ah oo loo dayriyay inay ninmadaw ah jeclaatayArooskeeda oo ka dhacay xarun dawladu leedahay oo ku taal magaalada Tokyo waxaa lagu tilmaamay xaflad aad u heer hooseysa, waxaana Sayako ay u dhaqmaysay si qof aad u heer hooseeya, waxay u guurtay guri hal qol ah, iyadoo markaas bilowday inay barato sida gawaarida loo wado, sida dukaamada looga dukaamaysto.

Amiirad Sayako waxayahayd gabadha kaliyia ee uu dhalay boqor Akihito.Boqor Akihito oo 83 sano jir ah ayaa bishii August sheegay in uu iscasilayo isagoo sidaa u yeelaya in da'diisa aanay carqalad ku noqon hawlahiisa.

DIGNIIN!!


                     DIGNIIN.

Xadiis Saxiix Ab buu micnihiisu wuxuu Ahaa Inuu Nabigu yiri nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha Ahaatee.

“Qofkii Igu been abuurta ha ugu diyaar garoobo booskuu naarta ku lahaa”
Ha oran hana faafin wax aadan Hubin Aqoon Aadan u lahayn .

Waxaa kusoo batay baraha bulshadu ay isticmaasho sida whats’app ka iyo iyo facebook,Qoraalo badan oo daciif ah Ama been abuur ah kuwaas oo lagu marin habaabiyo dadka caamada ah,Ama dadka Aan wax hubsanin.

Ka digtoonow kana taxadar hana ku deg degin inaad ka faallooto Arimaha khuseeya shareecada Hadii Aadan U haysan Nas fadhiya waxaa laga yaabaa Inaad Cawaaqib xumo kala kulanto.

Abaartii Sanadkii 2015-2017 Kii

                           Hordhac

Abaraha Somalia waxaa ay noqdeen kuwo ku soo laa-laabtay degaan ka samayn xuna ku yeeshay dadka iyo  duunyaba,waxayna kusoo kala beeg meen xiliyo kala duwan markas xallada dalku uu ku jiro.

Dhibtaayooyin ka iyo heerka ay gaarto abaaraha ku dhufta wadan ka somalia ayaa sababa Qaarkood inay reebaan xusuus liidata iyo dhacdooyin laga qiiroodo haday noqoto dhanka Biyaha, cuntada,caafimaadka, iyo baadka.

Waxaa sidoo kale Ay gallaaftaan Xoolo baddan inay dhintaan Xallada nolosha dadka oo xumaata iyo inay dellaac cuduro ay keento biyaha nadiifka oo yaraada nafaqa daro iyo xittaa inuu deegaan ku Noqdo mid Aan lagu noolaan Karin.

MAXAA SABABA ABAARAHA SOO NOQ-NOQDA:-

Siyaabaha ay abaartu ku timaado waxaa ugu weyn uguna muhiimsan laba sabababood oo lagu kala magacaabo

Mid rabaani ah iyo
Mid Aadanuhu sababo

Aadanaha ayaa samayn ku  yeesha degaan ka iyo inay dhacaan abaaro soo lab-laabta waayo waxay ladagaalamaan degaan ka iyagoo xaalufinaya dhirta si ay dhuxul uga shitaan ama ay ubeertaan,
Sababataasi waa midda ugu weyn uguna macquulsan Ee Aadanuhu uu abaarta  sabab ugu noqon karo waana mid aad uga jirta geyigga Ummada Soomaaliyeed Loona tiirin karo abaaraha soo laablaabta Ee hallakeeyey dadka iyo duunyada.

Sababaha rabbaaniga ah Ee Abaraha sababa waxaa kamid ah cimillada deegaan ku Uu leeyahay Ee Asal ahaan ah mid  dabiici u ah inuu ku yarayahay roobka leeyahay kuleyl joogto ah ama inuu yahay ba degaan ku mid xilli roobaadka hella roob Aad u yar inayada oo loo tiirinayo Cimillo dabiici ahaan degaan ku u leeyahay.

Sababaha rabaaniga ah iyo kuwa Aadanuhu sababay oo is biirsaday ayaa sababay in lawaayo dhowr xilli roobaad oo is ku xig-xiga( waxa kaloo ku jirta meesha iney abaartu tahay mid Aan gacmaheena ku samaysaney”
Guud ahaan abaaraha soomalia soo maray waxaa loo bixiyey   magacyo ilaa hadda loo looyaqaan laguna xasuusto,waxaana kamid ah

-Abaartii Jiitama Ee dhacday sanadkii 1945

-Abaartii daba-dheer Ee dhacdey sanaddkii 1974

-Abaartii caga barar Ee dhacdey sanaddkii 1992

Iyo midi ugu danbaysay Ee dhacday 2011 Kii

Waxaa qaar kamid ah abaarahii soomaray soomalia Ee yeeshay xasuusta, Aadkana loo yaqaan,
Abarahaasu waxay iskugu jiraan kuwo dalka oo dhan ka dhacay iyo Qaar Gobollada dalka ka  halakeeyay.

ABAARTII-DABA-DHEER

Markii aan soo qaato labo kamid ah Abaaarihii Aan soo magac-dhabey iyo abaarta hadda ina haysta waxa ay kasimanyihiin waxa ay ku kalla duwanyihiin iyo sidii looga fal-celliyey.

Abaartii dabadheer Ee dalka ku dhufattay sannadkii 1974tii  waxa ay la kullan tay Iyada Oo dalka Ay ka jirto Dawllad xoog leh Oo Uu madaxweyne ka ahaa maxamed siyaad barre, Dawlladaas oo haystay Imkaniyaad ka lagama maar maar ka u ah in jawaab fiican ka celliso Aabaatii dalka ku dhuftay.

Waxaa Sido kale Dawlladii Xilligaas ay lahayd Dawllado taageera Oo ay ugu horeysay Midowgii soofiyeeti Oo cawimaad ka gaystay daabullada dadkii abaaruhu ku sameeyeen gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi Ee Dalka.

Si kastaba ha ahaatee dawlladii soomaalia Ee xilligaas waxay si wanaagsan U maareyeen gurmadkii Ay U fidisay dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Abaarta kale Ee Aan doonayo inaan wax ka dhaho waa abaarta caga-barar lagu magacaabo Ee gobollada koonfureed ku dhufatay sannadkii 1992 dii.

Waxa Ay abaartaasi halleeshay dalka iyadoo dawlladii Somalia Markaas ay bur-burtey
Wakhti dalka dhan ay collaad kasocotay amase dagaal-sokeeye
Xili Ciidamo shisheeye dalka Ay soo galleen
Dunida ayaa abaartaas caga-barar ku bixiyey kaalmo lagu samata bixinayo dadka
Waxaan abaartaas ku dhintey dad gaaraya 800,00 oo ruux

ABAARTII-2011 KII

Sanadkii 2011 kii  Ayaa Abaar daran  oo macaluul wadata waxay ku dhufatay Somalia,abaartasi waxay ahayd mid calam ka uu qalo dhaan ka muujiyey ,Sido kale abaartaasi 2011 kii waxay kusoo aaday Iyadoo qayb kamid ah dalka ay ku xooganyihiin xarakada al-shabaab isla markaasna ay ka talliyaan meelihii ugu darnaa  Ee Ay samayso.

Sidaas daraadeed ma aysan suurto gallin in Hay’adaha gargaarka Ay u suurto gasho inay garaan meelihii looga baahnaa waxaana sii xoogaystay macaluusha.

Waxaa Xiligaas adkeyd in masuul ajnabi ah yimaado dalka lakiin waxaa ku dhiirday yimina  dalka Somalia ra’iisul wasarihii turkiga Ee xiligaas Ahna  madaxweynaha Turiga Ee Hada rajib dyping ordigan  wxaana Turkigu uu keenay Somalia marakiib raashin ah oo wax badan ka qabatay macaluushii,abaartaas waxaa ku dhintey gaaraya 260,000 ruux

ABAARTA HADA:- Abaarta hada taagan waxay soo bilaabtay sanadkii 2015 kii waxayna xalladii ugu xumayd gashay bilihii ugu danbeeyay 2016 kii iyo sanadkaan oo maraya dhamaadka bishii afraad.

Dad iyo xoolo badan ayaa dhintey kuwo kale Ayaa Hadda Qarka u saranyihiin iney dhintaan Hadii Uusan roobku curan Bishan iyo bisha ku xigta.

Abaartani waxay uga duwan tahay abarihii Somalia soomaray Iyadoo gargaarka Caalamiga ah  Uu gababsi ku jiro,inkastoo ay socdaan dadaalo muuqda hadana ma ah Kuwo ku fillan mushkillada abaartan.

Ugu danbayntii abaartani oo ah mid si isku mid ah usamaysay dhamaan gayiga soomaalliyeed Ayaa dadkii usoo joogay Abaarihii hore waxay ku tilmaameen Iney kaga duwan tahay abaarihii hore sinaanta ay ku wadda dhuftay dhamaan dhulka soomaliyeed.

Soo-saare:-Qoraa.Mahmoud Ali Said Jirde
Xuquuqda:-Lama Dabici karo Warbixintan hadii Aadan fasax ka haysan Soosaaraha

Garaad Jirde Garaad Ali Garaad Said

Ilahay umadda Soomaaliyeed Quluubtooda burcad hays ku mariyo.

Waxaa maanto kale loo bahan yahay midnimo iyo Walaltinimo

Waan Soo Aragney Dagaal iyo dhibaatadiisa.

Xildhibaanimaay Xaal-Qaadu

      

▪Waxaa Layaab leh Dadka Iyagu Ka Shaqeeya burburka Dawlladnimada Soomaaliya Iyagoo Sheeganaya Iney Yihiin Aqoon yahan,Khuburo Ku Ah Maamul wanaaga Iyo Hanaan ka Dawlladnimo Ee Talla wadaaga Iyo dimiquradiyada ku dhisan.

▪Aqoonyahan Aan Daacad U Ahayn diintiisa Islaam ka,Waddani Aan Ahayn Aan Udiir-naxayn Umaddiisa Muxuu Ugu Fadhiya Qiime dalkan Iyo dadkan daacadnimadu Deeq-do.

▪Callamadaha Hogaamiyaha Wanaagsan Waxaa Ugu Horeysa Inuu Daacad U yahay Dadkiisa Iyo Dalkiisa Uusana khiyaamin Ama Ka dhex-abuurin kala shaki Iyo Kala Tag.

▪Waxbarashadaadu Waa Iney Ku bartaa Kalsooni,daacadnimo,Geesinimo Iyo Inaad Gobonimo Ugu shaqeyso Umadda Somaaliyeed .

▪Waxaan Bartaa Maamulka Dawliga Ah Waxaan Sidoo Kale Bartaa Cilmiga  Taariikhda Iyo Juquraafiga Iyo Welliba Maamulida Mashruucyada Aan Dawliga Ahayn Sida NGO'S Ka Iyo Hay'adaha Maxaliga Ah.

▪Waxaana Sidoo Kale Qoraal Ku Sameeya Ra'yiga,Maqaalada,War bixinada Xiisaha Leh Iyo Dhamaan Wixii Umadda dani Igu jirto Isla Markaasna Waxtar  Uh.

▪Waxey Hay'adaha Qaramada  Midoobey  Ka Sheegaan Dunida labaad Ama Se Waddamada Soo koraya Inuu Hareeyey Masaq-Maasuq  Waa Sax Inuu Jiro,Lakiin Iyaguna Waxey Nagu Sameeyan Xad-gudubyo Iyagoo Calam ka maqashiiya Xog Aan Xaqiiq da Ku dhisneyn.

▪Waxaa Kuwaas Kasii Daran Kuwa layaab Ka Leh Ee Aan Qoraalkegga Ku Billaabay Ee Aqoonta Sheegta Waxan Leeyahay Bahasha Dhanka Wanaagsan Uga Faa,iideeya.

▪Halka Ay Kasii dareen Kuwas Aqoonta Sheeganaya Ee Dibada Kasoo Qaylinaya  Xildhibaano Balaha U jaray Kibaabka Allana Ugu Dhaartay Inuu Dalkiisa Iyo Dadkiisa Iyo Diintiisaba daacad Ugu Shaqeeyo, Inuu Misna Hormuud Dib udhaca Unoqdo.

▪Ninkii Tiin Abuuriyo Ninkii Timir Abuuraba Taariikhdu Wey Qorin,Waxaa laynii Arkaa dad khaldan,Waxaan Inii sheegayaa In Maanta Aad Dib ugu Laabateen Wax laga tagay.

▪Waxaan Leeyahay Kuwa Kastuumada U Ah Cadawga Umadda Somaaliyeed,Wuu dhamaaday Xiligiinii Qabyalada,Qurun ka,Iyo Laalush Ka Aad Sharafta Moodeen Meel Heyni Gaarsiiyo.

▪Waar dadku  Kursimiyey wada rabaan Aaway Islaanimadii,Wanaagii,Waxtarkii
Waddaniyadii Iyo damiirkii Awoowayasheen.

▪Ma Waxaynu Noqoney Dad Shilinka Caabuda Mise Waxaynu Noqoney Dad Xaasid Isku Ah Maxaa Loo jaha wareerinayaa danta guud.

▪Mafallanahay Mise Waxaan Rabnaa In Layna Adoonsado Ma waxaynu Rabnaa Dhulal kale Iyo madax Kale Ineynu magan Ku Noqono.

▪Ma waxaynu dooneynaa Ineynu duli Iyo Dul saar Ku noolaano,Inagoo Soomaali Ku Abtirsaneyna,Ma Qaadan Karnaa Se Wax maalin kasta Leynoo Yeeriyo.

▪Xagee Ayaa leyna Haystaa Waxaynu burbur Dawlad la'aan Iyo Dagaal Sokeeye Ku Jirney 27 Sano,Taariikhdu Waa Iney Cashar Kuu Noqotaa Ma Ah Wax Aad ku Hoogtey Inaad Ku Noq-noqoto.

▪Qofka Masuul ka Ah Ee Xilka Haya Ee Soomaaliga Ah Ee Ka Shaqaynaya Dhibaatada Umadda Soomaaliyeed Waa In laga Qaadaa Jinsiyada Soomaalinimada Waayo Uma Qalmo.

▪Waxaa Anfariir Igu Noqotey Xildhibaano Shirar Ku Qabsanaya Dalka Kenya Waxeyna La baxeen Horusocod.

▪Magacoodu Waa Dibusocod Waayo Ma Aha Xili Danaha Soomaaliya Looga Shiro Dalka Kenya Walliba Xubnaha Balaman ka Ceeb Kusii ah.

▪Ugu danbayntii Waxaan leeyahay Umadda Soomaaliyeed Haloo Hiiliyo danta guud Iyo Dawlladnimada,Waa laga daallay Dan Gaar,doonis gaar Ah Iyo Daba-dhilifnimo.

▪Farkaliya Fool Ma dhaqdo,Qofkastaa Waaa Inuu Muujiyaa doorka looga baahan yahay .

Abwaan kii Wuxuu Yiri

☆Rabiyoo latuugiyo taladoo Lasaartaa meel lagu tagaayo lagu taaba qaada.

 ☆taageero cadow iyo ninkii tuug ku xiranoow taadii dhamaate War waanaga taageer.

☆Taageer dadaalkoo ku talaabso guushaas

☆wixii tegey Ha Raadine inta Aan wakhtigu tagin Aan tacabkhasaar dhicin

☆ tafaraaruqiinuna Tabar keenimayse isku toosa duulyohoow

☆ Aduunyadu tigaad iyo waa tacab labeertoo Habda dhan u talaabe

☆ Nnkii tiisa daaye ku tuhmaaaya meelkale talo uma Hagaagtee

☆Inta Aan wakhtigu tegin Aan tacab khasaar dhicin Isku Isku Tiirsanadooy.

Gabaygii:-Abwaan Mahmoud Atto

W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde.

Wixii Faah-faahin Ah kala Xiriiir.
E-mail.jirde101@gmail.com
Tell-Numbar +252907-610753

Wednesday, May 17, 2017

Xildhibaanimo Xaal Qaado

      

▪Waxaa Layaab leh Dadka Iyagu Ka Shaqeeya burburka Dawlladnimada Soomaaliya Iyagoo Sheeganaya Iney Yihiin Aqoon yahan,Khuburo Ku Ah Maamul wanaaga Iyo Hanaan ka Dawlladnimo Ee Talla wadaaga Iyo dimiquradiyada ku dhisan.

▪Aqoonyahan Aan Daacad U Ahayn diintiisa Islaam ka,Waddani Aan Ahayn Aan Udiir-naxayn Umaddiisa Muxuu Ugu Fadhiya Qiime dalkan Iyo dadkan daacadnimadu Deeq-do.

▪Callamadaha Hogaamiyaha Wanaagsan Waxaa Ugu Horeysa Inuu Daacad U yahay Dadkiisa Iyo Dalkiisa Uusana khiyaamin Ama Ka dhex-abuurin kala shaki Iyo Kala Tag.

▪Waxbarashadaadu Waa Iney Ku bartaa Kalsooni,daacadnimo,Geesinimo Iyo Inaad Gobonimo Ugu shaqeyso Umadda Somaaliyeed .

▪Waxaan Bartaa Maamulka Dawliga Ah Waxaan Sidoo Kale Bartaa Cilmiga  Taariikhda Iyo Juquraafiga Iyo Welliba Maamulida Mashruucyada Aan Dawliga Ahayn Sida NGO'S Ka Iyo Hay'adaha Maxaliga Ah.

▪Waxaana Sidoo Kale Qoraal Ku Sameeya Ra'yiga,Maqaalada,War bixinada Xiisaha Leh Iyo Dhamaan Wixii Umadda dani Igu jirto Isla Markaasna Waxtar  Uh.

▪Waxey Hay'adaha Qaramada  Midoobey  Ka Sheegaan Dunida labaad Ama Se Waddamada Soo koraya Inuu Hareeyey Masaq-Maasuq  Waa Sax Inuu Jiro,Lakiin Iyaguna Waxey Nagu Sameeyan Xad-gudubyo Iyagoo Calam ka maqashiiya Xog Aan Xaqiiq da Ku dhisneyn.

▪Waxaa Kuwaas Kasii Daran Kuwa layaab Ka Leh Ee Aan Qoraalkegga Ku Billaabay Ee Aqoonta Sheegta Waxan Leeyahay Bahasha Dhanka Wanaagsan Uga Faa,iideeya.

▪Halka Ay Kasii dareen Kuwas Aqoonta Sheeganaya Ee Dibada Kasoo Qaylinaya  Xildhibaano Balaha U jaray Kibaabka Allana Ugu Dhaartay Inuu Dalkiisa Iyo Dadkiisa Iyo Diintiisaba daacad Ugu Shaqeeyo, Inuu Misna Hormuud Dib udhaca Unoqdo.

▪Ninkii Tiin Abuuriyo Ninkii Timir Abuuraba Taariikhdu Wey Qorin,Waxaa laynii Arkaa dad khaldan,Waxaan Inii sheegayaa In Maanta Aad Dib ugu Laabateen Wax laga tagay.

▪Waxaan Leeyahay Kuwa Kastuumada U Ah Cadawga Umadda Somaaliyeed,Wuu dhamaaday Xiligiinii Qabyalada,Qurun ka,Iyo Laalush Ka Aad Sharafta Moodeen Meel Heyni Gaarsiiyo.

▪Waar dadku  Kursimiyey wada rabaan Aaway Islaanimadii,Wanaagii,Waxtarkii
Waddaniyadii Iyo damiirkii Awoowayasheen.

▪Ma Waxaynu Noqoney Dad Shilinka Caabuda Mise Waxaynu Noqoney Dad Xaasid Isku Ah Maxaa Loo jaha wareerinayaa danta guud.

▪Mafallanahay Mise Waxaan Rabnaa In Layna Adoonsado Ma waxaynu Rabnaa Dhulal kale Iyo madax Kale Ineynu magan Ku Noqono.

▪Ma waxaynu dooneynaa Ineynu duli Iyo Dul saar Ku noolaano,Inagoo Soomaali Ku Abtirsaneyna,Ma Qaadan Karnaa Se Wax maalin kasta Leynoo Yeeriyo.

▪Xagee Ayaa leyna Haystaa Waxaynu burbur Dawlad la'aan Iyo Dagaal Sokeeye Ku Jirney 27 Sano,Taariikhdu Waa Iney Cashar Kuu Noqotaa Ma Ah Wax Aad ku Hoogtey Inaad Ku Noq-noqoto.

▪Qofka Masuul ka Ah Ee Xilka Haya Ee Soomaaliga Ah Ee Ka Shaqaynaya Dhibaatada Umadda Soomaaliyeed Waa In laga Qaadaa Jinsiyada Soomaalinimada Waayo Uma Qalmo.

▪Waxaa Anfariir Igu Noqotey Xildhibaano Shirar Ku Qabsanaya Dalka Kenya Waxeyna La baxeen Horusocod.

▪Magacoodu Waa Dibusocod Waayo Ma Aha Xili Danaha Soomaaliya Looga Shiro Dalka Kenya Walliba Xubnaha Balaman ka Ceeb Kusii ah.

▪Ugu danbayntii Waxaan leeyahay Umadda Soomaaliyeed Haloo Hiiliyo danta guud Iyo Dawlladnimada,Waa laga daallay Dan Gaar,doonis gaar Ah Iyo Daba-dhilifnimo.

▪Farkaliya Fool Ma dhaqdo,Qofkastaa Waaa Inuu Muujiyaa doorka looga baahan yahay .

Abwaan kii Wuxuu Yiri

☆Rabiyoo latuugiyo taladoo Lasaartaa meel lagu tagaayo lagu taaba qaada.

 ☆taageero cadow iyo ninkii tuug ku xiranoow taadii dhamaate War waanaga taageer.

☆Taageer dadaalkoo ku talaabso guushaas

☆wixii tegey Ha Raadine inta Aan wakhtigu tagin Aan tacabkhasaar dhicin

☆ tafaraaruqiinuna Tabar keenimayse isku toosa duulyohoow

☆ Aduunyadu tigaad iyo waa tacab labeertoo Habda dhan u talaabe

☆ Nnkii tiisa daaye ku tuhmaaaya meelkale talo uma Hagaagtee

☆Inta Aan wakhtigu tegin Aan tacab khasaar dhicin Isku Isku Tiirsanadooy.

Gabaygii:-Abwaan Mahmoud Atto

W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde.

Wixii Faah-faahin Ah kala Xiriiir.
E-mail.jirde101@gmail.com
Tell-Numbar +252907-610753

LA SOCO MAQAALADA LAGU DAABACO jirdenews

asxaabtyda sharafta leh waxaan halkan inu kula wadaagaya maqaalo aan ku kala faaidaysn doono


mahdsanidiin

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...