Monday, June 26, 2017

GEERAAR MACAAN JACAYL

■Anoo noole kuu jecel

■oo nolosha kuu huray

■nidar cashaq kula galay

■nafta inan is dhaaf sano

■oo nacabka ka dhacsho

■aan niyada kuu dhiso

■oo nolosha kula nago

■nafaqeeyo nabarada

■xubnahaaga an dhayo

■iyo nugul ka cashaqaa

■niyadaada aan jiro

■nuxsan waayay anigye

■adigaan ku naawilay

■Nasabkii Jacaylkaay.

♡♡By♡Jirde♡♡

La-Qoray:-9-Agoosto-2015

WAX BADAN KA BARO ERAYGA CULIMO

In la yiraahdo ’hebel waa nin culumo ah’ sax maaha. Labo sababood dartood

Horta eragu culumo iyo culimo midna maaha ee waa ‘culamaa;’Midda kale erayga ‘culamaa’ waa wadar ama jamac ka yimid erayga ’caalim’ = khabiir/academic iwm.

Culamaa waa tilmaan u taagan heer aqooneed. Tilmaantaasna waxaa wadaaga oo ay ka dhexaysaa dhammaan dadka leh waxbarasho sare (sida heerarka loo yaqaan ‘master’s degree’ ama ‘P.hD’), diini iyo maadditii ay rabto ha ahaatee.

Erayga ‘caalim wuxuu la mid yahay khabiir, aqoonyahan/jaamici sare iwm. Tilmaantaasina maaha mid lagu garan karo qofka muuqaalkiisa ama labbiskiisa.

Jaahwareer, khal-khal, fawdo aqooneed iyo mid bulsho ayaa ku imaanaya bulshada, hadduusan jirin nidaam la kala garan waayo heerarka waxbarasho oo dadku kala leeyahay.

Dhibaatooyinkaasina hadda waa ay ka jiraan dhexdeenna, waana mid ka mid ah sababaha ay wax inooku hagaagi la’yihiin.

Wednesday, June 7, 2017

Maqaal> SUUGAANTA IYO CAAFIMAADKA

SUUGAANTA IYO CAAFIMAADKA
suugaantu looma isticmaalo kaliya digasho,colaad hurin,nabadayn,guhaan, iyo wixii lamida lkn mar mar ka qaar waxa uu hal abuurku isagoo kaashanaya garaadkiisa iyo hibada alle ku manaystay uu ka hadlaa dhinac aqoonta oo isagoon u galin iskuul, jaamacad iyo mahad kalaba uu sii dhibyar uga faalooda cilmi haddii u u gali lahaa meelaha lagu dhigto ku qaadan lahayd sanado badan.

Saturday, June 3, 2017

gabay waa ayaamul khayrkii

Gabay:(ayaamulkhayr).
1.ayaamaha ilaahay hadeer kala ayaan roone
2.albaqriyo bishay soo dageen aayadaha diinta
3.anfacada bishii laga haree oonku badanaayay
4.arkaantaba bishii lagu daree axadku noo sheegay

Title:-Six's Articles

Waxaan Rabaa inaan Wax ka dhaho doorashada Ka dhacaysa soomaaliyaa Sanad kaan Dabayaqadiisa.Waxaan Halkaan Tallo Uga soojeedinaya Umadda soomaaliyeed Iyo Madaxdooda Si loo dhowro Cadallada Horumarka Sinaanta Loo siman yahay sharciga Iyo Si uu Uyaraado Shakiga Iyo Khilaaf.

Article-One

1-Waa In Lasameeyaa Hay'ad Ilaalisa Musuq maasuqa Wax is daba marinta Iyo Ku Tagri Falka Hantida Qaran ka Iyo Hantida Soomaaliyeed ba maadama Aysan Jirin Maxkamad Dasduuri ah hay'adaas waxay Dabagal ku samayneysaa Musharixiinta madaxweynaha U Tartamaya Waa inay Qoondeysaa Lacag tuu Ugu Ordayo Madaxweyninimada DalkaHay'adaas Waa Hay'ad ku meel gaar ah waa inay madax ka noqdaan dad sharci yaqaan ah aqoona u leh diinta islaam ka Cadallad iyo Sharafna lagu Yaqaano Si Ay Ugu Turaan Waddan Ka 25 Sano Burburka kusoo Jiray iyo .Umaddan Wax Qabadka U baahanWaxaana Aamin sanahay Ka jirde Ahaan waddan kaanHaduu Hello Madax Wanaagsan Oo Caddallad Iyo Uturis shicibkeeda leh Dantiisa ka hormarinaya Danta Qaran ka iyo Danta soomaaliyeed Inuu Hormar gaari lahaa Waddan ku kuna gaarilaha Muddo Yar.

Artcile -Two

2-Waa inay Madaxda soomaalidu Jadwalka Ku darsataa sidii Ciidan kii xooga Dalka loo dhisi lahaa looguna dhisi lahaa muddo yar Oo Cayiman iyadoo Aan lagalla Tashanayn Waddamo.Kale Iyo.Madax kalle Waa inay Arin kaan Ku dhaqaaq daa Dowada dhexe Iyo.Maamullada soomaalidu.

Artcile-Three

3-Waa In La dhisaa maxkamad Dasduuri ah Si Deg Deg Ah Dasduurkana Afti Dad-weyne loo Qaado laba sano kadib doodashada dalka Taasi Waxay Cirib tiraysaa kalla shakiga Dawllada dhexe iyo maamulladadalka ka jira waxay sidoo kale yarayneysaa khilaaf madaxda soomaalida.

Article Four

4-Ballan Qaad ka Musharaxa Lagu doorto haduu ka dhabayn Waayo Oo Umadda soomaaliyeed Jaabiyoonla dheelo Waa In Gollaha Baarlamaan ka la horkeena Waxaan Loo mudayn Karaa Laba sanno Suusan Dalkaiyo dadkaba dib udbac Ugu ridin.

Article Five

5-Waa In Lays Raaciyaa wixii Isaaci kara maamulada soomaalida lagana Fakaro Inaysan Sii Badan Sido kale in Control Lagu sameeyo.Asxaabta siyaasada dalka iyo.kuwa.maamulada.Waxay Taasi La dagallamaysaa Tayo.xumadda iyo Khilaaf ka Dalka gudihiisa Ah.

Article Six's

6-Ugu Danbayn in lays ku furro Umadda iyo Dalkaba lana sameeyo Network is ku xiraysa Maamullada Iyo Dawllada dhexe Sida Ciyaaraha,Tababarada,Maashariic da .Nadwooyin ka cullimada. Scholarships ka,Isku dhafka ciidamada
Xarumaha Ganacsiga ,Isku socod ka.baabuurta Iwm.

W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

septenbar/6/2016 Kii.

Friday, June 2, 2017

TAARIIKH-NOLOLEEDKA MR.MAHMOUD ALI SAID JIRDE

Waxa uu ku dhashay  magalada Garoowe Ee Caasumada Puntland Bilowgii Sanadkii 1993-dii.

Max'muud Jirde qur'aan ka kariim ka iyo waxbarashada dugsigiidsa hoose dhexe wuxuu kusoo qatay magallada garoowe ee xarunta caasumada puntland.

dugsiga sare wuxuu ku qaatay magalada boosaaso Ee gobol ka bari schoolka sare Ee boosaaso Public Secondary school.

Wuxuu soo Ahaa kana Tirsanaa Dugsigiisii dhexe illaa sare xubnaha gudiga ugu sareeya school-kiisa Amase Goobihiisa Waxbarashada.

Wuxuu gallay jaamacada East Africa University Isagoo Ku biiray kulliyada Maamulka Dawliga Ah"Buplic Administration"

W/Q:-Bilaal Ahmed Welli

Thursday, June 1, 2017

Nin Soomaali Ah Oo Bisad Aasay Dalka Ingiriiska iyo Waxyaabaha Yaabka Badan Ee uu Ka Sheekeeyay

Bisad rabbaayad u aheyd  qoys Soomaaliyeed oo ku nool magaaladda London ayaa ku dhimatay shil baabuur, ka dibna ciidanka booliiska ayaa qaaday bisadii oo geeyay isbitaalka xayawaanka.

Booliiska ayaa markaas kaddib la soo xidhiidhay qoyskan oo u sheegay waxa ku dhacay bisaddoodii. Sidoo kale waxyar kadib waxaa qoyska soo garaacay isbitaalka oo ku wargeliyay in mukulaashii ay u dhimatay dhaawacii, lagana rabo inay u yimaadaan isbitaalka si loogala taliyo qaabkii ay bisada u aasan lahaayeen.

hadaba halkan waxa aan idiinku soogudbin doonaa waraysi yaab badan oo Farxaan Maxamed Jimcaale uu la yeeshay aabaha qoyskaas Soomaaliyeed ee bisada aasay oo layidhaahdo Aadan Warsame Budhyar, hadab waraysigaas oo shabakada Somalilandpost ay qoraal idiinku soo qortay waxa uu u dhignaa sidan

maxay ku yidhaahdeen boolisku markay kula soo xidhiidheen?

waa qiso cajaayib ah waxa jiray maahmaaha Soomaali ah oo tidhaahda  Nin aduunka joogoow maxaa aragti kuu laaban, waxa jira waxyaabo aanad filayn in ay aduunka kaaga horimanayaan.

boolisku way nala soo hadleen habeenkii Axda ilaa 12-kii, tilifoonka ayay qayladiisu dami wayday oo markii hore maanu qaban, goor danbe ayaanu qabanay waxaanu ahaa nin booliis ah,waxa uu si degan noogu yidhi waxaan ka xumahay inaan akhbaar xun idiin soo wado, reerkaas ma tihiin oo bisada magacaas leh ma leedihiin, markaas haabaan ku idhi, waxa uu yidhi bisadiinii shil ayay gashay waxaanuna gaynay cisbitaalka xoolaha ee la xidhiidha.

xoogaa kadib waxa na soo wacay cisbitalakii oo iyaguna muujinaaya dareen walwal ah.

waxa iswaydiin leh hadii bisadiinu ay shil gashay sidee lagu ogaaday inaad idinku leedihiin?

Wadankan waxa ku jira bisadaha iyoeydaba badhan ama jibuu ku qoran yahay magaceeda, taariikhdeeda, talaalada ay qaadatay iyo magaca qofka iska leh lanbarkiisa iyo ciwaankiisa, mar horeba waa inaad diiwaangaliso eyda iyo bisadaha waxaana markaas la diiwaan galinaayo la galinayaa badhankan ama jib kaas oo uu macluumaadku ku jiro.

bisada markaas maxaa ku dhacay?

sida aanu markii danbe ogaanay gabadh jaarkayaga ah oo aan naga fogayn ayaa jiidhay, waxay bisaduhuleeyihiin albaab u gaar ah oo badhankan ku dhagsani ka furo markay baxayso iyo markay soo galaysaba, markaas habeenkii markay cashaysay ayay baxday waxaana ku dhacay gaadhiga gaabadhaas, markaas boolisku nooma sheegin ee reer Soomaali ahoo noo dhawaa ayaa marka shilku dhacay agjoogay kuwaas ayaa noo sheegay sidaas ayay ku dhimatay.

magaceedu maxuu ahaa?

Mayla oo gabadh yar oo aan dhalay ayaa lahayd, waxa cajiib ah marka boolisku nala soo xidhiidhay, waxay yidhaahdeen kaalaya eega inay tiinii tahay iyo in kale, waxaan ku nidhi jibka hadii aad ka akhrideen oo ay dhimatay iska tuura oo meelahaas bakhtiga la geeyo geeya.

markaas ayay sheekadiiba bilaabmatay, ismaan lahayn dalkan intaad joogtay waxbaa kaa qarsoon, waxa nalagu yidhi iska tuur maahee wadankan waxii dhinta waa la aassaa markaas waa inaad joogtaan marka la aasayo, markaas noocyada kala duwan ee duugitaanka ayaad nala eegaysaan, hadii kale anaga ayaa duugayna oo lacagtana waanu idinku soo dalacaynaa.

waxaad markaas si kooban noogu sharaxdaa sadexa nooc ee ay idin yidhaahdeen bisada ayaa loo aasayaa iyo waxaad ugu danbayntii samayseen?

In qubuuraha xayawaanka lagu xabaalo,in lagubo oo labaduba  kharashka ku kacaayo uu bixinaayo qofka bisada iska leh iyo ta sadexaad oo ah inaad dhul hadii uu leeyahay gurigiinu ama beer aad ku xabaalataan, markaas tan danbe ayaanu qaadanay laakiin iyadiina caruurtii ayaa diiday oo yidhi waanu ka naxaynaa markaas todobaad dhan ayay talaagada ku jirtay oo aancaruurtii ka dhaadhicinaayay in  guriga lagu aaso, markaas labada nooc midi waa xabaalo oo waa mid lacag badan oo macaa magacii lagudhajinaayo qubuurta, midna waa 200 oo gini oo waa la gubayaa, waxay ku leeyihiin taas gubitaan ayaa laba nooc ah oo mid xayawaanbadan ayaa la’la gubayaa midna kaligeedbaa laguu gubayaa laakiin lacagtaad wax ku daraysaa. intaas kadib waxa aan soo iibsaday qalabkii wax lagu qodaayay xabaal ayaan u qoday waanan xabaalay waxaase layaab leh ninbaa waxa uu yidhi laba kaleba isasaarayoo laba tagoogo isma saarin, waligay ismaan odhan bisadbaad xabaal u qodi doontaa oo aad xabaali doontaa waa arimaha layaabka leh.waxa taas ka siidaran markii laygu yidhi waa inaad cisbitaalka timaadaa ayaan subaxii shaqadii la hadlay waa lay tacsiyeeyay oo waxa laygu yidhi markaad tacsida soo dhamaysatid ee dareenkaagu soo dago markaas uun shaqada kaalay, dadka jaarka nala ahaa ee ajaanibkaahaa tacsi ayay noogu yimaadeen waxaanay markaa arintani ku tusaysaa inay bisadii ka walwalsan yihiin, waxa jira sharci dalkan ka jira oo hadii aad ey ku dhacdo in aanad beesha ka dhaqaaqi karin ilaa uu boolisku yimaado, markaas bisaduukuma jiraan sharcigaa laakiin waxa markiiba nala siiyay warqado la leeyahay fadlan noo saxiixa bisadahan waxaanu doonaynaa in sidaas oo kale loo sameeyo oo dacwadaas nala gala.

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...