Sunday, November 5, 2017

Maqaal:Dekada Boosaaso

°Lagama fiirsan wareejinta Dekada boosaaso ayaan qabaa,waxa lagu wareejiyey-na waa bur-cad badeed, waayo iyagoon Aan talaaba qaadin ayey canshuur dheeraad ah Kusoo rugeen doonyihii quudka keeni jiray.

°Waxaa kasii daran xukuumada gaas hogaamiyo waxey soo Arkeen bar-bara, seylac, Iyo dekado badan Oo Ay shir-kad ku sheegaan soo maamushay kuna guul darays-teen.

°Waa in shacab ka loo turaa,barlamaan ka waxaa fiican Iney meel mariyan go'aanada masiiriga ah Ee samayntiisu badan tahay, waxaa looga fadhiyaa wajibaad ka saaran iney gutaan,gaar ahaan heshiis-yadaan Sharciga baal marsan Ee la qaadayo.

°Baarlamaan ku waa matalaaga shacab ka, marka ilama qurux badna iney noqdaan kuwo magac u-yaal ah, ha maareeyaan Khaladaad ka siyaasadeed Ee jira.

°Shacab ka gobol ka bari, puntland iyo guud ahaan Umadda soomaaliyeed ma Aqbali karaan gunimo 30 Sano ah waxa ka danbeeyana Aan la qiyaasi karin  Adeerayaaloow faraha nagala baxa Anagaa dhisan karno.

°Niman kaan Fig-tii Ugu horeysay laga cabanayo miyaa 30 sano loo dul qaadan karaa, waa maya say ila-tahay, ka hortag malahee,halaga daba tago waxna halaga badalo heshiis kaas.

°Waxaan boogaadinayaa Nabadoonadii, samadoonadii wax-garad kii Iyo Aqoon-yahan kii qoraal ka,kasoo saaray arintaas.

°waxaan kaloo soo dhaweynayaa Heshiis-kii Ku meel gaar ka ahaa Ee la gaaray kama damaystii,Kaas Oo sheegaya In dekada mudo 10 bari ah Nidaam-keedii hore Ku shaqeyso.

°War dhamaan-tiis Shaqalaha iyo dad ka dan-yarta, masaakiinta ah Ee noloshooda ka dhac-san jiray dekada boosaaso waxaan leeyahay dul qaata, cabashadii iyo mudaharaad kii Aad samayseen Waxa ugu yar Ee u badalay waa 10 kaas bari.

• kuwa madaxda lagu shegaya wa manfaca doone.

•ka midaysan maal laga tabciyo moshin daba yaal.

•majo bay noqden Mel haday madax ahayeene.

•shisheeyaha Ku maadsana hayay daba maqiiqnaan.

•masiirkii dalkiyo dile sharciga madanigahaye.

• maamul xumada way kaga daren moogna taladiiye.

•miciin waxay bidaan maysarkiyo malabsi ceebede.

• masaalixo ma yeshaan inatay talada meershan.

• siyaasado marooray inta nagula meeraysan.

•manweelada shacbiga lagu hayana kama maradan.

•shisheeyuhu wuxu magan yahay kama masayraane.

•waxa miiska ceebeed na dhigay madax Ku sheg weeye.

Gabay-ga: liibaan siciid dugsade

W/Q: Mohamoud Ali Said Jirde

1 comment:

  1. merkur casino login【VIP】best vip casino,favor casino no deposit
    merkur casino login【VIP】best vip casino,favor casino no deposit,best vip 1xbet casino,favor casino no deposit,best vip 샌즈카지노 casino,favor casino no 메리트카지노 deposit,best vip casino,favor casino no deposit

    ReplyDelete

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...