Wednesday, June 7, 2017

Maqaal> SUUGAANTA IYO CAAFIMAADKA

SUUGAANTA IYO CAAFIMAADKA
suugaantu looma isticmaalo kaliya digasho,colaad hurin,nabadayn,guhaan, iyo wixii lamida lkn mar mar ka qaar waxa uu hal abuurku isagoo kaashanaya garaadkiisa iyo hibada alle ku manaystay uu ka hadlaa dhinac aqoonta oo isagoon u galin iskuul, jaamacad iyo mahad kalaba uu sii dhibyar uga faalooda cilmi haddii u u gali lahaa meelaha lagu dhigto ku qaadan lahayd sanado badan.

kasoo qaad caafimaad iyo dhinaca dhakhtarnimada waxa jira hal abuuro badan oo si maansaysan,cilmiyaysan noogu shaxameeyay nooguna wacyigaliyay caafimaadk iyo dawaynta. aan soo qaadano labo gabay oo ay la kala tiriyay waqti laga joogo 30 ilaa 45 sano oo ay kala tiriyeen abwaan dhoodaan iyo ABwaan maxamed gacal xayow
1)gabayga kowaad
Gabaygan wuxuu Abwaan maxamed gacal xayow kaga qayb galay tartankii
gabayda Caafimaadka ah ee ka dhacay Hotel al Curuba
ee Magaalada Mogadisho sanadkii 1987 oo ay isugu yimaadeen
abwaanadii  kooxihii Somalia ka jiray iyo gabayaagii waqtigaas, kaas oo uu ku galay kaalinta sadexaad:
Dhan Kastoo la eegaba Murtidu dhaxal gal weeyaane
Maansada nin soo dheegtay oo dhaawacaan nacaye
Dhugta garasho iyo Luuqda bay rag isku dheeryiine
Dheel iyo ciyaar iyo ma aha Dhaanto iyo jiibe
Gabay aan dhaliil iyo lahayn dhiico iyo tuuro
Suugaan dhamaysaan waqay gole ka dhiibtaaye
Axmedoow Markaan dheehdo ee Dhuuxa ka abaaro
Sida dhayda Caanaha Ayuu kuu dhadhamayaaye
I dhegaysta aan soo qadimo Dhihitinkaygiiye,
Dhaqan caafimaad baa bulshooy lagu dhaqnaadaaye
Dhibaatooyin badan baa arlada dhaaxa aragteene
Qarankeena Waxa hoos u dhigay Qoysas dheeliyaye
Hadaynaan Sidaa dhaamin waa dhiilo iyo ceebe
Waa inaynu dhiidhiga khalqiga damaca dhaafnaaye
Dhadhab yeesha oo kaca dheg xumo baahda laga roone
Talaalku dhaymo maaha iyo Dawiyo kaar Wax kaa
dhima’e
Gaashaan dhagaxa weeyaan Hadaa dhab u dersayseene
Hadii Loo dhamastiro Ilmaha oon mar lagu dhaafin
Caafimaad Wax Lagu dhawro oo ugu Dhow weeyaane
Dhalaankeena Bukaanada helee dhawrka kala Nooca
Xiiqdheerta iyo qaaxadiyo Dhaxan waxyeelaysa
Jadeecada Durbaba Loo dhintiyo Dhuunjar gawracato
Qalal Dhinaca Naafeeya iyo dhaawac Teetanaha
Dhadhaab Kaa ceshuu kaaga yahay dile dhamaantiise
Dhaqso uga talaal ubadka yaan noloshu dheeliyine
Qodobkaa dhameeyaye hadaan hore u sii dhaafo
Oo aan dhadiyo wow tusmada ararta sii dhiibsho
Ama aan dhawaaqiyo tixaha Hirarka dheer Saaro
Dhaabadii gamuutiyo salaan Dhamac ku nooleeyo
Ka dhursuga dhambaal caafimaad dhaqanki weeyaane.
Dheecaan baxaa dila ilmaha uu ku dhaco shubane
Dhalaankuu Waxyeelaa u yahay halisti dhagareede
Intaanay hal sano dhaafin buu Kuman dhameeyaaye
Fayraskaana meel laga dhugtiyo hoy dhaxiisa ahe
Gacmahaan la dhiqin weelka aan saxada loo dhawrin
Wuxuu kuugu dhuuntaa Cunada dhabab la’aaneede
Biyahaw dhabo ah aan nadiif loogu dhigin Meele
Haweenoow markuu kaaga dhaco badi dhalaankiina
Waxaw dhaabadoo lagu gartaa Dhinac kastood eegto
Dheecaan dareeriyo Hurgumo jilicsan oo dhiigle
Ilmahoo durbaba tamar dhigoo dhumiya miisaanka
Matag aan dhamaaniyo haraad dhuunta kala Gooya
Xumad wada dhamaysaa weliba way u dheertahaye
Intaad dhira suniyo siin lahayd habari waxay dhoobtay
Dhejis buu qabaa odhan lahayd ee ha laga dhuuqo
Amaad dhamac ku gubi layd ilmaha dhuxul la nooleeyey
Waxaa Dhaama oo kaaga roon sheeko dhalanteedka
Inaad milan dhansiisaa nafaqo dhawra noloshiisa
Amaad fuud bariis uga dhurtaa Dheri adaarkaaga
Amaad dhiliq sonkora milis dhanaan ugu dhex
qooshtaaye
Oo dheecaanki baxay soo noqdaa dhawr beroo tegaye
Waxa taas dhigeedoo ilmaha dheelitira liita
Inuu dheefta naaskaaga helo oo jaqo dhamaantiiye
Dhaqana uu ku yeeshaa kalgacal dhinac tarbiyadeede
Hadiise cunugu uu kaa dhibsado oo dhursugi waayo
Dhaqtarada u gee iyo rugga lagu dhaqaaleeyo
ORS baa kuu dhexyaal dhawrsanoo wacane
Cadceedaha ka dheeree kolkaad Kayd ka dhiganayso
Si dhaqmaatin kale uu u galo dhararti loo baahdo,
Dhibaatada xanuunkani wadiyo halisihiisoo dhan
Dhabtii Waxa si sahala uga adag nadafadood dhawrto
Hadii kale waxaan dhawrayee ka dhursugaynaaba
Todobaatan waa inay dhintaan Boqolki noo dhalatay.
Qodobkaa dhameeyaye hadaan hore u sii dhaafo
Oo aan dhadiyo wow tusmada ararta sii dhiibsho
Ama aan dhawaaqiyo tixaha Hirarka dheer Saaro
Dhaabadii gamuutiyo salaan Dhamac ku nooleeyo
Ka dhursuga dhambaal caafimaad dhaqanki weeyaane.
Waxaan dhaqan awoow moodnay iyo Caado lagu dhaato
Oo aan quraankeenu dhigin Nebina noo dhaafin
Dadkeenuna intaa ku dhaqmayoo dhiiloba u haysan
Oo fircoomadii dhalan rogmiyo Duulal laga dheegtay
Midka Sharif dhantaalkee gudniin Dhaba la moodaayo
Dhaawac bay ku haysaa Mindidu Dhuubley Gabadheede
Inay dhimato inay dhiig baxdoo Iilka u dhowaato
Talo kama dhexoo raaxo way kala dhaqaaqeene
Sunihii ku dhaafoo marley dhawra dumarkeena
In dhalaanku kuu kala koraan Dhaxalsan weeyaane
Diintuna mar waynoo dhigtoo dhirfla’a weeyaane
Inkastoo dhaqaale iyo ubad uu rabigu dhiibo
Oo dheefta aad quudaniyo dhiganyay calafkaagu
Labo sano ka dheeree ka hore kii danboon dhalanin.
Qodobkaa dhameeyaye hadaan hore u sii dhaafo
Oo aan dhadiyo wow tusmada ararta sii dhiibsho
Ama aan dhawaaqiyo tixaha Hirarka dheer Saaro
Dhaabadii gamuutiyo salaan Dhamac ku nooleeyo
Ka dhursuga dhambaal caafimaad dhaqanki weeyaane.
Hooyadu waa lafdhabrkiyo Bulshada Udub
dhexaadkeede
dhaabadii abuurkiyo weyaan axad ma dhaafaane
Dhaaxay dhabeel quruxsaniyo geesi dhaliyeene
dhaaxaa dhabtood lagu koray dhaxanta dayreene
dhaaxaabay dhaan iyo aroor duhurka dheelmeene
dhaaxay dabkiyo dheri xigeen Dhamacdu saarayde
dhaaxay dhanaano iyo hawd xoolo dhaqayeene
dhaaxay rag dhaqankood noqdeen xilaha dhaareede
dhaaxaan dhankii aad daydaba looga soo dhicine
dhaaxay dhitada kuu hayeen dheefta nololeede
dhaaxay dharkiyo xaafadiyo gogosha dhiibsheene
dhaaxay ragoo wada dhanqalan hawlo u dhererayd
Inta ay dhib iyo hawl qabaan weliba sii dheere
Hadii aan abaalkay dhigteen cidi dhamaynaynin
Markay uurka dheeliga la yiin ama sidkood dhawyay
Inaan dhiigbixiyo ka hortagnaa dhaawaciyo halista
Oo ay dhaqaalayn helaan waa dhawaaq saxane
Waa inay dharaartii tagaan ruga dhaqmeedkooda
Oo Mch-yada ay dhugtaan ka ugu sii dhowe.
Qodobkaa dhameeyaye hadaan hore u sii dhaafo
Oo aan dhadiyo wow tusmada ararta sii dhiibsho
Ama aan dhawaaqiyo tixaha Hirarka dheer Saaro
Dhaabadii gamuutiyo salaan Dhamac ku nooleeyo
Ka dhursuga dhambaal caafimaad dhaqanki weeyaane.
Hadaan dhuux ku soo daro xildiid dhoobo lagu qooshay
Ama sakeel dhiiga iyo kuugu dhaqo caano
Dhudhumadana kaa lulo qardhaas dhinacyo buurbuuran
Amaan faalka kuu dhigo sidan dhimashadaa ogahay
Dhaymo maw noqdaan Ruux ka jabay dhabarka taagiisa
Ma dhaqaajiyaan tolow misana madax dhalfiifoobay.
Hadaan dhaho ilmuhu waa dharjee cidina yay dhaadin
oon dhaho Cunada qaar ma Geyo ee halaga dhaafo
Shaashow ka dhawroo Marnaba aqalka yuu dhaafin
Oon ilkaha ka dhilo Qaar hilbana dhuunta ka ag gooyo
Ma waxbaan u dhimayoo ilmaha dhaawac ugu geystay
Mise waan dhaqaaleeyayoo waa dhismii korinta
Jawaabtaydi dhiibtaye anoon idinku dheeraynin
Oon dhega xaraan maanso iyo Luuq dhabiib tirinin
Wax dhibaala sheegoon u kicin hadalo Dhow Dhow ah
Khiyaaligan dhab loo haysto iyo haawis dhalandhoolka
Dhan kastood ka eegtana Hadana dhiilo deriskeeda
Caafimaad dhibaatuu ku yahay Dhiiriyaha cudure
Ka dheeraada soomaaliyeey Dhaqan khuraafaadka.
2)Gabayga labaad
hadana aan eegno  qaar kamida gabaygii dhugasho oo uu tiriyay  sanadkii (1972) alle ha u raxmee abwaankii waynaa qaryaan cabdulaahi dhoodaan oo si cilmi iyo farshaxana leh noogu faaleeyay faaidooyinka dhirta iyo sida dawooyin looga sameeyo
64. Dhakhtarnimo ka soo qaad bal waan, kuu
dhildhilayaaye
65. Caanaha dharkaynkiyo haddaan, dhirindhir
soo hoorsho
66. Oo aan dhammaajiyo ku daro, xabagta
dhiigsaarka
67. Oon dhiil xareediyo intaan dheri, ka soo
buuxsho
68. Oo daboolka aan u dhuujiyoon, dab u
dhardhaarreeyo
69. Kolay boogta dhaymo u noqdaan, lama
dhalliileene
70. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la
dhugan weynay ?
71. Haddaanse laamo dhaadheer ka qodo,
dhuundhas xididkeeda
72. Oon xadhig dhan kaga soo xidhoon, dhinac u
laadlaadsho
73. Oon weel u hoos dhigo biyaha, way
dhidhibicdaaye
74. Inuu dhibiq tifleeyaba qoryaha, waxa ka soo
dhiiqa
75. Haddaan waliba dheecaan Mawiyo, dhamstana
u geeyo
76. Oon dhaal ku wada shiilo oon dherilo, ka soo
buuxsho
77. Inay dhabarka daawo u noqdaan, way u
dhawdahaye
78. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la
dhugan weynay ?
79. Markay Uneexo rays dhaadhidee, dharabka
doogowdo
80. Dhawr geed haddaan soo rujoon, dhamac yar
taabsiiyo
81. Markay dhuudhi roortee humrigu, dhidid ka
soo daayo
82. Dhudhun lagu maroojiyo intaan, xoog isugu
dhaabo
83. War dhaydaan ka tuujiyo waxaan, dharaq ka
soo miiro
84. Kob dhawrsoon intaan sii dhigtoo, dhababo
oon huursho
85. Oon Jinow dhanaan iyo haddana, dhoon
Tobboga keeno
86. Oon tiina taa dhiil qarsha ah, kula
dhadoobeeyo
87. Dhuubaan kolkay soo baxdoo, dhiin casuus
noqoto
88. Qof dhilmaayo soo tuurtay oo, kaar u
dhimanaayey
89. Haddaan xidid sintaa kaga dhuftoon, dhash!
kaga siiyo
90. Dhaqso inuu bogsoodaaba way, dhici
karaysaaye
91. Ma dad dhoohan baan nahay, maxaan taa la
dhugan weynay ?
92. Dhafaruur dhunkaal lagu qasiyo, Dhayga
badhidiisa
93. Dhiqle mayna reebteen waxbaba, yey dhurwaa
diline
94. Dhiidhiitiida kama liidateen, laygu dhacayaaye
95. Ma dad dhoohan baa nahay, maxaan taa la
dhugan weynay ?
w/q: maxamud ali jirde

No comments:

Post a Comment

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...