Monday, June 26, 2017

WAX BADAN KA BARO ERAYGA CULIMO

In la yiraahdo ’hebel waa nin culumo ah’ sax maaha. Labo sababood dartood

Horta eragu culumo iyo culimo midna maaha ee waa ‘culamaa;’Midda kale erayga ‘culamaa’ waa wadar ama jamac ka yimid erayga ’caalim’ = khabiir/academic iwm.

Culamaa waa tilmaan u taagan heer aqooneed. Tilmaantaasna waxaa wadaaga oo ay ka dhexaysaa dhammaan dadka leh waxbarasho sare (sida heerarka loo yaqaan ‘master’s degree’ ama ‘P.hD’), diini iyo maadditii ay rabto ha ahaatee.

Erayga ‘caalim wuxuu la mid yahay khabiir, aqoonyahan/jaamici sare iwm. Tilmaantaasina maaha mid lagu garan karo qofka muuqaalkiisa ama labbiskiisa.

Jaahwareer, khal-khal, fawdo aqooneed iyo mid bulsho ayaa ku imaanaya bulshada, hadduusan jirin nidaam la kala garan waayo heerarka waxbarasho oo dadku kala leeyahay.

Dhibaatooyinkaasina hadda waa ay ka jiraan dhexdeenna, waana mid ka mid ah sababaha ay wax inooku hagaagi la’yihiin.

No comments:

Post a Comment

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...