Wednesday, January 22, 2020

FARQIGA U DHAXEEYA MUWAADIN IYO WADANI

MUWAADIN VS WADANI

Muwaadin waxaan ku macnayn karnaa inuu yahay ruux ama qof dalka u dhashay ciid ahaan, sidoo kale wuxuu muwaadinimada ku heli karaa Oo ku noqon karaa qofku nidaam Iyo sifo sharciyeysan Oo uu u maray. Muwaadin ka dalkiisa waxaa ka saaran mas’uulliyat sidoo kale isagana wuxuu leeyahay xuquuqaat, mudnaan siin iyo qaddarin dheeraad ah.

Muwaadinimadu waxey midayneysaa Oo ay astaan u tahay dad meel gaar ah ku wada nool, sida muwaadiniinta soomaaliyeed Ee dalka gudihiisa ku nool, kuwaas Oo dalka gudihiisa ay ku mideysay dhalasho ciid ahaan, ama dad markaas ku hellay muwaadinimada sifo sharci ah. waxaa dad kaas ka saaran  dalkooda mas’uulliyaad sidoo kale waxey ku leeyihiin dalka gudihiisa xuquuqaat.

¶XUQUUQDA MUWAADIN KA

Waxaad xaq u leedahay muwaadin xorriyada isu socod ka dalka, waxaad maanta safar ku mari kartaa meesha Aad doonto, waxaad heli kartaa inaad ehel kaaga ku booqato meelo kala duwan Ee dalka gudihiisa ah. Waxaa lagaa fogeeyay in wax xayiraad ah lagu saaro, waxaana tahay muwaadin dhaq dhaqaqiiisa xor u ah. wuxuu muwaadin ka xaq u leeyahay meeshuu doono inuu ka dago dalkiisa, waxaana xaq u leedahay daganansho meesha Aad adigu jeceshahay Ee dalka gudihiis ah.

Muwaadin ka sidoo kale wuxuu leeyahay sida ku qoran dastuur keena, xorriyada firkir ka, waxaad leedahay inaad fikir kaaga Aad soo bandhigi karto , tusaale ahaan adigoo adeegsanaayo qoraal, haddal, gabay iyo dhamaan qaab kasto Oo Aad ku gudbin karto aragtidaada, wuxuu sidoo kale muwaadin ku xaq u leeyahay xoriyada dhaqan ka iyo mida diiinta, waxaana jiro shucuub badan kuwaas Oo Aan ahayn isku diin iyo isku dhaqan .

Muwaadin ka xuquuqda uu ku leeyahay dalkiisa gudihiisa waxaa kamid ah inuuu samayn karo qeybna ka noqon karo banaan bax, waxaad ka qeyb geli kartaa fagaarayasha mid isku tag iyo mid dhaq-dhaqaaq intaba sida ku cad xuquuqaad ka muwaadiniinta Ee ay ku leeyihiin ciidiisa, waxaad tahay Oo xorriyad laguu siiyey inaad samayn karto banaan baxa sidoo kale inaad qeyb ka noqon karto kullmada kala duwan Ee bulshada dhex-deeda.

Waxaa muwaadinka mamnuuc ka ah in ciidiisa loogu muujiyo adoonsinimo, waxaana laga dhowray ciidiisa inuusan maxbuus ku noqonin sifo sharci ah mooyaane, waxaa uu xaq u leeyahay muwaadin ka xorriyada difaac Ee noloshiisa, gaar ahaan markii cadow banaan ka kaga imaado, wuxuu xaq u leeyahay muwaadin xuquuq la xiriirta xeer badalasho iyo wixii lamid ah.

Wuxuu leeyahay muwaadin ku xuquuq shakhsiyeed sida xuquuq siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaad leedahay ka muwaadin ahaan inaad qeyb ka noqotid arimaha dhaqaalaha iyo siyaasada, waxaad sidoo kale door ku leedahay in fursad lagu siiyey xuquuq shakhsi ah Oo Aad ku difaacan karto inaad qeyb ka noqon karto arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha.

Wuxuu leeyahy muwaadin ku inuu yeesho xuquuq hanti gaar ah sida ku cad qawaaniinta la xiriirta xuquuqda Aadanaha ( Human right ) ka. waxaad leedahay inaad yeelan karto hanti gaar ah Oo adiga si gaar ah Aad u leedahay adiga Oo Aan war-war iyo cabsi Aan ka qabin wax dhibaato ah laguu geysan karo, balse wuxuu xeerku dhigayaa in laguu difaaco hantida gaar ka ah.

Muwaadin ku wxuu xaq u leeyahay inuu helo adeega dad weynaha Ee ay dawladu bixiso sida caafimaad ka waxbarashada iyo biyo nadiif ah, waxaa u leedahay muwaadin xaq inaad hesho adeegaas. Waxaad xaq u leedahay heli taan ka deegaan kugu haboon Oo Aan caafimaad kaaga wax u dhibaynin, waxaad leedahay xuquuq la xiriirta shaqada iyo hellitaan keeda.

¶MAS’UULLIYADA IYO WAAJIBAAD  KA MUWAADIN KA

Waxaa laga doonayaa muwaadin ka Oo ah mas’uulliyad iyo waajibaad saaran inuu adeeco xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaalo, kuwaas Oo ay meel mariyaan gollaha xeer dajinta, waxaa laga doonayaa inuusan ka hor imaanin dastuur ka iyo shuruucda caam ka ah Oo dawlada ay soo saarto kuwaas Oo ay dhaqan geliyaan muwaadiniinta dalkaas gudihiisa ku nool, waxa weeyaan waajibaad iyo mas’uulliyad saaran inuu raaco shuruucda dalka u taal.

Waxaa waajib ku ah muwaadin ka inuu bixiyo canshuurta dawlada ay soo rogto, waxaad garan kartaa dawladu iney bixiso adeega dad weynaha sida ka shaqeynta amniga muwaadiniinta iyo bad qabkooda, taasina waxey ku socotaa canshuurta dawladu ay qaado, taas Oo ay qeyb khas ab inuu bixiyo muwaadin kasta Oo awooda inuu bixiyo canshuurta laga rabo iyaduna waa waajibaad iyo mas’uulliyad saaran muwaadin ka.

Waxaa waajib ku ah muwaadin ka ilaalinta qaranimada dalkiisa, waxaana laga doonayaa inuu qayb ka noqda arimaha lagu hormarinayo qaran kiisa, waxaaa laga doonaya ayaa ah inuu noqdo muwaadin waxtar u leh dalkiisa gaar ahaan waxaa muhiim ah inuu hurri karo naftiisa maalkiisa iyo caqligiisa aragtidiisa iyo wax tarkiisa guud ahaan. Waa waajibaad iyo mas’uulliyad saaran muwaadin ku inuu ilaaliyo danta qaran ka.

Waajibaad ka saraan muwaadin ka waxaa kamid ah markii cadow ku soo duulo dalka hadii laguu baahdo inaad qeyb ka noqoto difaacida ciidaada dalkaaga iyo dad kaaga, waxaana ay tahay waajib saaran muwaadin ka hadii loo baahdo. Waxaa waajib ku ah muwaadin ka inuu daba galo Oo raaco saraakiisha ciidan ka Ee amniga sida kuwa booliis ka iyo guud ahaan adeecida madaxda dalka.

¶WADANI

Wadaniga isaga waxaan ku macnayn karnaa muwaadin ka inuu kaga duwan yahay Oo kali ah dareen lahaansho dad iyo dadeed. waa muwaadin, lakiin wuxuu leeyahay Oo u dheer muwaadinimada fikir iyo gubasho dheeraad ah taas Oo siineyso taageeridiisa mudnaanta iyo saraynta sharciga Ee dalkiisa.

Dhamaan wadanniyiintu, waa muwaadiniin, taas badal keeda qof kasta Oo muwaadin ah, maaha waddani, waxaa jirta Oraah dhahaysa in la helo tiro badan Oo muwaadiniin ah waxaa dhaanta in la helo tirro yar ah Oo waddaniyiin ah. waxaa ay kaga duwan yihiin muwaadiniinta waxey leeyihiin fal ay ku laran tahay dareen sid dalkooda iyo dad kooda.

Wadani waa qofka dhib iyo dheef ba la qeybsado bulshadiisa, wuxuusan meelna u dhaafin bulshadiisa, wuxuuan jecel yahay Oo markasta ku hamiyaa kuna fikiraa siduu dalkiisa uga saari lahaa dhibaatada, sidoo kale wuxuu ku farxaa markuu dalkiisu ku jiro marxalad wanaagsan, wuxuu leeyahay dareen khaas ah kaas Oo uu diirada ku saarayo maraxalada dalkiisa uu marayo wanaag iyo xumaan intaba.

Faa’iidada ay leedahay wadaninimadu waxey tahay iney bulshadaasi dhulkooda ay jeclaato, kana ilaaliso wixii gabi ahaan ba u geysanayo dhibaato, waxey sheegaan dad ka ku xeel dheer arimaha bulshada, khaan ahaan markii laga hadlaayo doorka muwaadiniinta ay hadii ay dalkoda jecel-yihiin waxaa addag inuu cadow soo damaaciyo Oo wadad si gaar ah deegaan kooda u danqada.

Waxey ku yeeshaan dalkiisa gudihiisa xushmad iyo qadarin dheeraad ah dad ka wadaniyiinta ah sababtuna waxey tahay waxey jecel-yihiin wax kasta Oo wanaag ah waxeyna digniin ka bixiyaan dhibaato kasta iyo fal kasta Oo lid ku ah qaranimada iyo danta guud,sidoo kale waxaa la dhahaa dad ka wadaniyiinta ah waa dad xushmeeyo afgaarta kale Oo wadad leh aragti fadhida.

Waxey noqdaan muwaadiniinta sida qaalib ka ah astaan iyo tusaale wanaagsan oo bulshada intiisa kale ay ku deydaan, waxaana keenaya ka shaqeynta iyo taageerida go’aamada wanaaga iyo danta ummadu ay ku jirto maaha, dad u shaqeysto calooshooda, waxaana kala weyn wax kasta qiyam ka iyo danta caam ka ah Ee qowmiyadaas ama ummadaas, sodas ayey ku noqdeen baddana hormud ka laga xuso markiiba.

Author Jirde.

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...