Wednesday, September 2, 2020

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga hore soomaali ahaan waa hanti goosi Oo ah (capitalism) iyo shuuciyad, ama hanti wadaag Oo iyadduna ah ( communism ) . waxaa kusoo dhaqmay labaddaan nidaam Ee kala duwan quwadaha aduun ka sida maraykan ka iyo midowgii soofiyeet .

Nidaam ka hanti goosiga (capitalism ka) waxaan ku micneyn karnaa inuu yahay nidaam democratic ah, wuxuu leeyahay nidaam dhaqaale iyo wax soo saar ku dhisan lahaansho gaar ah. waa nidaam dhiiri gelinaya tartan furan, wuxuuna aaminsan yahay ( suuqa xorta ah) iyo in wax badan gaar loo yeelan karo Oo bulshadu xoriyad u leedahay danahooda u gaarka ah.

Waa maamul xooggga saaraayo in nidaam ka dhaqaale iyo siyaasadeed ee dalka Uu noqdo mid dhiiri gelinayo xoriyada, gaar ahaan ganacsiga iyo warashadaha, waxaana loo yeelan karaa Oo gacanta ku heyn karo dad gaar u leh. waxaana ku faa’iido qabo dad ka iska leh halkii ay dawladu wixii xaq ugu leedahay Oo kali ah ugu soo hagaagto sida canshuurta.

Dhanka kale nidaam ka shuuciyada ama hanti wadaaga ku dhisan ( communism ka ) waxaan ku macneyn karnaa isagana inuu yahay nidaam wax kasta lawada leeyahay, dawladuna ay mas’uul ka tahay Oo wax kasta gacanta ku heyso. waxaana dad ka ka dhexeeya sida mulkiyada dhaqaale, adeegga iyo wax soo saarka. Ummadana dabaqado looma qaybin karo wax kastana waa mid lawada leeyahay.

Aragtidaan siyaasadeed waxaa iska leh , Oo keenay karl iyo engles rag ay hormuud u yihiin, kuwaas Oo u qareemay dhamaan hantida in laga yeelo mid si guud loo leeyahay. Qof kastaa waa inuu shaqeeyaa, markaasna uu wax ka helaa camal kiisa. Waxaa loo eegayaa qof ka xirfadiisa, awoodiisa iyo aqoontiisa iyadoo markaas la tix-gelinayo qofka baahidiisa iyo wuxuu rabo Oo uu ka heli karo dawladda. Wax kastaana waxaa gacanta ku hayo dawlada .

Nidaam ka hanti goosiga( capitalism ka ) . si gaar ah ayaad hanti u yeelan kartaa, wuxuuna nidaam kani dhiiri gelinayaa Oo xoriyad siinayaa shirkaduhu iney wadaan Oo dhaqajiyaan kaalin fiicana ka qaataan nidaam ka dhaqan dhaqaale Ee dalka. Hantidu waa mid qaybsan si aan isku mid ahayn ayaana wax lagu heli karaa loona taajiri karaa. Maaha dadku kuwo isku xiran oo dawladu ku maamusho hantida.

Nidaam ka shuuciyada ( hanti wadaaga). hantida waxaa iska leh dawlada, waxaana mamnuuc ah Oon la ogolayn sharikaad ka Oo xoriyad la siiyo. hantida si isleeg ayey dad ka uga dhaxaysa, waxaana gacanta ku heyso dawlada, nidaam ka hanti wadaaga wuxuu kasoo horjeedaa iney bulshadu u qeybsanto dabaqado iyo wixii lamid ah.

Nidaam ka hanti goosiga ah ( capitalism ka ) waa mid fikirkiisu uu yahay dad ku iney u baahan yihiin in xoriyad la siiyo, qof kastaa Oo muwaadin ah waa inuu leeyahay xoriyaad u gaar ah. khaas ahaan dhanka ganacsiga iyo guud ahaan markii laga hadlaayo nidaam ka hantida iyo dhaqaalaha guud ahaan. Wuxuu xoogga saarayaa doorka iyo kaalinta hantida gaar ka loo leeyahay.

Nidaam ka hanti wadaaga ( communism ka ) isaga fikirkiisu iyo aragtidiisu waxey tahay dad ku iney u baahan-yihiin mid ba mid ka kale. wuxuu leeyahay dad ku waa iney u sinaadaan dhamaan dhanka hodantinimada iyo helida dhanka dhaqaalaha Oo lawada yeesha waxaa loo yeelanayaa si guud mana dhici karto qofku inuu dabaqad gaar ah noqdo iyo wixii lamid ah. dawlada ayaa bixineyso wax kasta Oo hanti ah iyadaana korjoogteynta leh.

Nidaam ka hanti goosiga ah ( capitalism ka ) wuxuu aamin-san yahay Oo aragtidiisu ku fadhidaa markii ay dad ku tartamaan, tusaale ahaan mid ba mid ka kale uu tartan la galo hadii ay noqoto dhanka hantida iyo dhan kasta guud ahaan waxey leedahay aragtidooda dad ku waxey gaarayaan guul weyn . waxaana muhiimada iyo guushu ay ku jirtaa dad ka in tartan la geliyo Oo nidaam ka loogu daro.

Nidaam ka hanti wadaaga ( communism ka ) Iyaguna kuwaan waxey aaminsan yihiin Oo aragtidoodu ku fadhidaa markii ay dad ku u wada shaqeystaan si wadajir ah iyo saacado isku mid ah iney dad ku gaarayaan guul weyn Oo wadajir ah . marka waa in dawladu dad ka u sameyso barnaamij ka iyo nidaam ka ay ku shaqeynayaan waana iney iyadu markaas hantida gacanta ku heysaa kuna maamushaa hantida dad weynaha.

Nidaam ka hanti goosiga ah ( capitalism ka ) Odayaashaan waxey ku doodayaan bahashaaan hanti wadaag cadaalad maaha. Waayo dad ka qaar waxey dhaceyso iney qabtaan hawl wanaagsan, wax badana ay soo saaraan. waxaa markaas imaaneyso koox Aan shaqo wanaagsan qaban, sidaas darteed xoriyada ayaan dhiiri gelineynaa iyo dad ka awoodooda iney u madax banaanadaan.

Nidaam ka hanti wadaaga ( communism ka ) kuwaan shuuciyada ah warkoodu wuxuu yahay, ma jirto qof wax dheeraad ah la saaraayo, markii loo eego mid ka kale, qof kastaa wuxuu u baahan-yahay in la siman-yahay, waxaana fiican in qaab siman loo shaqeeyo, markaasna wax is leeg la qaato iyadoo mamulka ay leedahay dawlada hantiduna tahay hanti dad weyne.

Nidaam ka hanti goosiga ah ( capitalism ka ) waxey ku doodayaan dawladu ineysan fara gelin ku samaynin xuquuq da shakhsiga siduu u sameysto isagu qaab ka uu jecel yahay inuu u noolaado. waxaana ay aamisan yihiin xuquuqaad ka shakhsiga ah iney tahay qof ka isaga in looga dambeeyo gaar ah siduu noloshiisa doonayo inuu ka dhigto.

Nidaam ka hanti wadaaga ( communism ka ) kuwaan iyagu wuxuu arin koodu kusoo biyo shubanayaa dawladu iney hubiso qof kasta Oo muwaadin ah baahidiisa markaas na waa iney joogteysaa sidey kusiin lahayd wuxuu u baahan-yahay Oo ah xuquuq hanti dad weyne Oo dawladu maamusho gacantana ku heyso. Wuxuuna qofku kamid noqonayaa akoon ka dad weynaha Ee dawladu gacanta ku heyso mid adeegiisa looga saaro.

Nidaam ka hanti goosiga ah ( capitalism ka ) Kooxdaani hanti goosiga waxey leeyihiin Oo warkooda ku cadeysteen dawladu door yar iney ku yeelato arimaha dhaqaalaha, gaar ahaan dhanka fara gelinta . waxaa ay ku dhiiri gelinayaan dad ku iney dawlada ka helaa amaan sidey arimahooda ganacsi ku hormariyaan iyaga Oo markaas ay ugu muhiimsan tahay suuq xor ah iyo dawlada Oo ka yareyso fara gelinta.

Nidaam ka hanti wadaaga ( communism ka ) kooxdaan hanti wadaaga waxey ku adkeysanayaan si dhamaystiran dawladu iney ku maamusho ganacsiga iyo guud ahaan nimaad ka dhaqaale Ee dalka, gaar ahaan waxey doorkaas sii-nayaan dawlada dhexe iney markaas leedahay siyaasada dhaqaalaha iyo sida

Nidaam ka siyaasadeed Ee ( hanti wadaag ) waa mid ay dawladu gabi ahaan ba gacanta ku heyso, waxaasu ha noqdaan mid guud ama se nolosha gaar ka ah. waxaa dawladu ay fiiro iyo gacan ku heyn ku heysa ficilada shacab ka iyo sida ay noqoneyso guud ahaan nolosha guud iyo tan gaar ka ah.

Nidaam ka hanti goosiga ( capitalism ka ) wuxuu caan ku yahay shirkadaha madax banaan iyo ganacsiga xorta ah. dad ku waa iney u shaqeystaan, waa iney faa’iidaan iyad Oon dawladu ku sameynin wax fara gelin ah. waxaad shaqeysto adiga ayaa iska leh dawladna kuu maamulimeyso Oo canshuur bixiye ayaad tahay. Saxiib kaana kugu qabsamayo Oo hanti wadaag maahid.

Hanti wadaaga ( capitalism ku ) wuxuu ku fadhiyaa mabda’a iyo xuquuqda shakhsig ah, halka shuuciyada ama hanti wadaaga ( communism ku ) Uu xooga saarayo mabda’a iyo xuquuqda bulshada si guud, hanti goosigu wuxuu dhiir gelinayaa kala sareynta qeybaha bushada, lakiin hanti wadaaga wuxuu ku dhaqan yahay nidaam isku day dhex-dhexaad ah Oo dhaqaha dad ku ay ku wadagaan.

Labada nidaam ba ( capitalism vs communism ) waxaan oran karnaa wuxuu yahay nidaam iyo hab urur bulshiyeed, kaas Oo la xiiriira ganacsiga iyo warshadaha iyo sida looga munaqashonayo dhaqaalaha iyo lahaanshaha hantida. Markii ay aad ka u tartamayeen labada nidaam mid ba kan kale ayuu doonayo inuu tirtiro Oo meesha ka saaro.

Waxaa ii waramay nin macalin ah Oo ardey kasoo noqdey dawladii kacaan ka Ee raacsanayd nidaam kii hanti wadaaga Ee dalkii raashiya. Wuxuu iiga waray waxbarashadiisa iyo iney wax kasta dawladu u qabtey, wuxuu iiga waramay noloshiisii waxbarasho iyo tababar kii ay qaadan jireen markii ay iskuul ka dhiganayeeen.

Wuxuu warkaas iigu soo gaba gabeeyay markii Aan iskuul ka dhiganeynay, waxaa mararka qaar dhici jirtey markaad ( shaatiga meel surto ) inaad ka waayi karto, waxaana macquul ah shaati kaa weyn in laguu saaro meesha. Wax kasta waxaa gacanta ku heysay dawlada, wuxuuna ahaa wadaag.

W/Q : Maxamuud Cali Jirde

No comments:

Post a Comment

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...