Friday, October 27, 2017

Kalluumeysiga Somaliya

•Soomaaliya waa wadan kamid Ah 54 dal Ee Qaarada Afrika,waxeyna ku jirtaa wadamada dihin Ee Aan welli dhab looga faa'iideysan, Calaam ka Oo dhan Ayaa U  Arka bar dahab Ah Oo dhex-taal wadamada bariga Africa lakiin Waxaa  laharay dadkeeda.

•Saan wada Ognahay wadan-keenu Waa Cogor bad iyo biriba waa buuxa, wuxuuna
Ubaahan-yahay kali Ah dad kii ka faa'iideysan lahaa,Wuxuu tabayaa wadan kani dad leh Aqoontii looga Faa'iideysan lahaa khayraad kaas tirada badan.

•Kheyraad ka Soomaaliya Waxaa kamid ah kaluun ka,waayo waxaan leenahay Xeebta ugu dheer Qarada Africa,mar ka kaluun ka, ku jira bada soomaaliya waa hanti soomaaliyeed waxaana Muhiim Ah In lahelo Siyaasad lagu ilaalinayo loogana faa'iideysan karo.

•Saad Ogtihiin maantey Oo  tariikhdu tahay 24-10-2017 Ka,waxaa ka dhacay Hoolka jaamacada bariga Africa Faraceeda garoowe shir wayne Quseeyey shirkadaha kalumaysiga Somaliyaa waxaana kasoo qayb galay Shirkaas wasiir  ku xigeen ka dowlada faderalka Somalia.

•Waxaa Sidoo kale Kasoo Qayb gallay wasiirada wasaaradaha kaluumeysiga maamul goboled-yada kala ah Puntland, Hirshabele, Galmudug, Jubland, iyo Konfur galbed somalia.

•Shirka-dahaas,madaxda Ka Qayb gallag iyo guud ahaan Shicib ka Soomaliyeed waxaan leeyahay Aan ilaashano dalkeena Iyo kheyraad kiisa, waa dhaxal soomaliyeed, waxaan nasiib daro ah In Qaab bilaa sharci Ah leysaga gurto .

Dhalan-teed ka Iga daa

•Indhuhu dhalanteed bay arkaan caqliga ama maskaxduna been bay Kuu dhistaa marar ka Qaarkood , dhalanteedku waa marka aad meel fog ka aragto widh widh aad u moodo iney biyo fadhiyaan Midaas ayaa la- yiraahdaa Laguna magacabaa dhalanteed .

• Ishu markey ka fog tahay waa biyo ayey isleedahay, laakiin haduu caqligu si fiican ushaqey-nayo waad garaneysaa inaaney biyo aheyn oo ay meeshu cad-ceedii heyso.

•Hadaad se caqligaaga seexiso oo aad tiraah-do bal ka wardoon laga yaabe iney biyo Kuu noq-daane markaad meesha timaado waxey soo baxeysaa iney dhalanteed tahay.

• Hamiga nafta ee dunida ku saabsana waa noocaa oo wax kasta markuu kaa maqan yahay buu kuu yahay biyahaa hilaacaya, Ee maalintaad se gaadho ayuu kula noqonayaa uun dhalanteed-kaa oo wax weyn aheyn.

•Taasi Waxaan Uga dan-leeyahay Qofka banii'adam Ka Ah Ee Islaam ka Ah Waa inuu san U qaadan guusha  kamadeysta ah goolasha yar-yar Ee Uu gaaro, goor Iyo Ayaan Inta noloshiisa Ah.

•waa sax, waa loo baahan-yahay  inaad  Hadaf-kaaga Xaqiijiso, lakiin guusha Kama danbeysta Ah, waa Inaad U Arkaa tan Aakhiro Una Shaqeystaa, markastana xasuusta Ku Heysaa Iney goal kaaga kowaad tahay.

 

Monday, October 23, 2017

Maxaa noodiidan,dawlladnimada Iyo hormar ka.

▪Paul Kagame oo ah M/weynaha dalka Ruwanda waxaa uu dhashay 23 bishii October sanadkii 1957, waa 60 sanno jir kasoo jeeda qawmiyada Tutsiga ee dega koofurta dalka Ruwanda.

 ▪Waxaana uu ahaa yaraan-ka qoyskiisa oo ka koobnaa waalidkiis iyo 5 carur ah oo la dhalatay,Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, ninkaas itaalka leh ee afka gaaban, ayaa waxa uu had iyo goorba isu soo muujiyaa nin dalkiisa Ka adag.

▪Paul Kagame Mar Uu Ka hadlayey Jadwalka Nolosha Xiligiisii Adkaa Ee Uu Ugu Soo shaqeeyey dalkiisa Wuxuu Yiri"laba saac wax baan Akhrin Jiray Sida buugaagta Ay Qoreen Hogaamiyaashii Guuleystey Iyo macluumaad ka Aduunka ka Jira.

▪Laba Saac Qoys keyga Ayaan laqaadan Jiray,Afar saacna waan Seexan Jiray  16 saacna dalkaan U Shaqayn jiray,Wakhtigey-gana Kuma lumin jirin Inaan madax shisheeye la Kulmo, Iyo Inaan Safaro badan dibada Ku dhameeyo.

▪Ciidan ka Ruwanda Sidii Uu,u dhisay Isagoo ka hadlaya wuxuu Yiri"Waxaa Iigu adkaatay sidaan Ku dhisilahaa Ciidan Qaran Oo dalka Oo dhan ka dhexeeya,Taliyahaan magacaababa Qabiilkiisa Iyo jamhadiisa Ayuu Kasoo buuxiyaa ciidan ka,Waxaan talo ku gaaray Inaan gacan-teyda Ku Qoro ciidan ka Oo Aan Qabto Shaqadii talliyaasha Si Aan U-helo Ciidan Qaran Oo Ay Ruwanda Leedahay.

▪Waan daryeelay,waxaana tusay wadaniyada,Iyo Iney ruwanda Oo Qaran Ah Ciidan Ku Noqon karaan,Sidaas beyna Ku dhismeen Ciidan ka Ruwanda Ee Ah Kuwa Africa Ugu sumcada badan maanta."

▪Mar Uu ka hadlayey Sida Reer Ruwanda U heshiiyeen wuxuu yiri"Sanado badan Oo Aan Qowmiyado U kala Qaybsaneyn,wadamo daris Ah Iyo kuwo shisheeyana nakala taageeri jireen Waxeynu Ogaanay Ineysan Na-heshiisiin karin,Inaan Anagu Heshiino maahane,dadkaan Iyaga Ayaa Is Cafiyey Oo Gaaray Sharafta Iyo dawlladnimada.

▪Waxyaabaha ay dawladiisu qabatay waxaa ka mid ah wax barashada, dhaqaalaha, iyo helida adeegyada caafimaaadka,Caasimada dalka Ruwanda ee Kigali waxaa loo aqoonsan-yahay magaalada ugu bilicda
quruxoon caasimadaha Africa oo dhan.

▪Waxyaabaha lagu dhaliilana waxaa ka mid ah xad gudubyo bini’aadanimada ka baxsan oo dawladiisu gaysatay iyo taageerida ururo hubeysan oo ka aas aasan dalka Koongada dimoqraadiga ah inkastoo xukuumadda
Ruwanda  Ay beeniso eedaaas.

▪Maxaa diidey Anagoo Isku Af ah,Isku diin ah,Isku dhaqan ah,Inaan Ku heshiin-weyno Xukun ka Iyo talada dalka,maxaa noodiidey Inaan Mustaqbal fiican U sameyno Caruurteena Kana hormarino danteena wax-kasto Oo lagu gaarayo Qaranimo Iyo dawlad dhamays Ah.

▪Waxaa naqanaa Hogaamiyaha wanaagsan Calamadihiisa waxaa kamid Ah Inuu yahay Nin Karti leh,kartida marka Sadix miisaan Ayey leedahay, Inuu karti u Leeyahay Hogaamiyuhu Inuu xalliyo dhibaatooyin ka ka jira bulshadiisa dhexdeeda Sida Khilaaf-faad ka,dagaalada Iyo Isku dhaca.

▪Miisaan ka labaad Waxaa waaye hogaamiyuhu Inuu Samayn karo Iskaashi Iyo wadda jir,Inuu Umada dhexdeeda ka samayn karo,Hadey Noqoto dhan ka Wax Is tarka wada Jirka Iyo Midnimada.

▪Miisaan ka sadixaad Ee lagu garto Inuu yahay hogaamiyu Mid karti leh waxaa waaye Inuu samayn karo isfaham Isaga Iyo dad kale dhexdooda, Inuu yahay talla wadaag,Dadkana Qadariyo Afkaartooda Iyo Inuu dhagaysto go'aan kiisuna caduahay.

W/Q:Mahmoud Ali Said Jirde

Thursday, October 12, 2017

"DADKU CID WAX U BILOWDA AYEY LA'YIHIINE,ADIGU BILOW CID KULA DHAMAYSA WAAYI MEYSIDE GUULEYSTA DHALINTA BILOWDEY ISKAA WAX U QABSO MAR-LABAAD 1964-1967" -------------------------

▪Waxaan Aamin-sanahay maanta Iney Tahay Wakhtigii Ay dhalinta Soomaaliyeed Fahmi lahaayeen Wixii Horey Noo dhaafay Ee Aan Gabnay,Horey Waxaan Ugu dhex-millaney Wax badan Oo Khal-danaa, Lakiin maanta waxaa Muuqata Dhalintu Iney Ku mideysan tahay Sama katallinta Iyo dib Usoo Noolaan- shaha
Sharaf kii Iyo Karamadii Iyo Midnimadii Umadda soomaaliyeed.

▪Waxaa Iimuuqata Inuu dhamaaday Wakhtigii Habac-sanaanta Iyo Hurdada Aan Ku Jirney,waxaana Bidhaameysa Rajo Iyo Ififaalo Wanaagsan Oo dhan kasta Leh, Khaas Ahaan dhanka baaraaruga dhalinta soomaaliyeed, Sidaas darteed Waxaan Leeyahay Qof kasta oo dhalin Ah,Noqo qof ay ka go’an-tahay inuu hormar gaaro, waayo qofku hadaanu lahayn go’aan qaadasho dhab Ah way adag-tahay inuu hormar shaqsiyadeed Ama Mid guud gaadho, go'aan Qaadashada Ayaa Kamid Ah Himilooyin kaada Inaad rumeyso, Wax kastaa Iyo Meel kasto Oo Aad U baahaneyso inaad gaarto Ka Hor Waa Inaad Samir Iyo Go'aan Qaadasho La Imaataa.

▪Qodob ka labaad Waa Inaad Wanaajisaa Xiriirka Aad Illaahay la leedahay, waayo guul xumada ugu horaysa ee noloshu wuxuu ka bilaab-ma in qofku ku guul daraysto inuu la xiriiro Illaahii Abuuray, Markii Aad tahay Qof illahay Ku xiran Waxaad Ku guuleysan kartaa Noloshaada Aduun Iyo Mida Aakhiraba, Marka Inaad guul gaarto Waxaa Qodob ka kowaad Ka Ah Raali Ahaan shaha Illahay Oo Aad raadiso Inta Aad nooshahay.

▪Qodob ka Sadixaad Ifka waxaa ugu ladan qof taladiisii Ilaahay u gacan gashay,Waa Inaad ku kalsoonataa Naftaada Hamigaada Iyo doonistaada Waxma Makusoo kor-dhinaayaan Inaad cabato Ama War-war Aad Ka muujiyo noloshaada maanta Iyo Mustaqbalkaaga bari, Illahay tallada udhiibo markaas Kadib Waa Inaad bixisaa dadaalkii lagaaga baahnaa,Farxada dhabtaa maahan in aadan ooyin ama aadan murugoon, ee waa in aad raali ku tahay wax walba oo maalmuhu kuu qarinayaan kuna mahad naqdaa adiga oo dhoola cadaynaya.  

▪Mida Kale Ma ahan Qofku Inuu Is Dhiibo, Iskana Jabiyo Niyadiisa Quruxda badan Iyo Riyadiisa, Mana fiicna Inuu Arki waayo Awooda Illahay Siiyey, Waa Inuu Isku arkaa, Inuu Wax Qaban karo,Waxna badali karo, Caajisnimadu ma fiicna waana Cudur, Mar hadii aad dhacdid kac mar labaad,kac mar saddexaad Soco waad gartaaye,Ma dhici karto in aad gaartid guul wax ku ool ah adiga oo anan kufin oo kicin marar badan,Sax dhibaato kastaa guul laguma gaaro lakiin guul kasta dhibaataa loo maraa,Fiir Dad ka guulaha Ka gaaray Nolosha,Taariikh-dooda dib uraac Caqabado Waa weyn Ayey ka tallaabeen ,muuhiimadu waa in aadan meeshaada Olaan,balse Waa In Aad Horey Usocotaa,Kana dheeroow dadka niyad jabka abuura ee aan wax rajo ah ka lahayn nolosha, waayo adna waxay kugu dari karaan kooxdooda ka dhacay nolosha.

▪Waxaa Dhibaato Ah Wax Aad qaban karto hadii aad ku ekaatid,marnaba dhaafi maysid waxaad tahay,Wax horay u jiray waad qabsan kartaa oo dhamaystiri kartaa hadii aadan wax cusub la imaan ba, marka Isku day inaad Aduun kaan Wax kusoo kordhiso, adigu maaha Inaad dheeraad Ku Noqoto,Isku day Inaad keento Wax Qiimo U leh dalkaaga iyo dad kaaga,Muhiimadu Waxaa waaye Dad badan ayaan Aduun kaan Kusoo kordhiyey Wax dhaxal gal U Ah adna waad Awoodi kartaa,Maalin kasta tilaabo qaad ugu danbaytii adiga oo jooga guul dhexdeed baad arkin Inshaa'allaah.

▪Waxaa Niyad jabiya badanaa Qofka Khalladaad Ka Uu Gallo,Khaladku mar kasta uu bato guul waa kuu dhowdahay, maxaa yeelay khalad kasta cashar buu kuu yahay, Marka waxaan Kugu dhiiri-nayaa banii'adam Ka Ayaaba loo abuuray Inuu Khaldamo Kadib na Isi saxo, marka waxaa doqonimo Ah khallad kaaga Inaad Ku Adkeysato, lakiin geesinimada Iyo sharafku waa inaad garow-sataa khalad kaaga Aadna bilowdaa wadadii Aad Ku Sixi lahayd sidaas darteed Ku nooloow kalsooni nafeed  ogoowna in dhib kastoo ku soo wajahda ku dhaafayso oo aanay waxba ku yeelayn inaad wax ka barato uun mooyaane,Haka baqin inaad samayso khaladaad waayo waxaynu rug-cadaadnimo ka helnaa khaladaadka aan samayno markaan khalad galno,khalad-kastanaa cashar buu kuu yahay.

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...