Thursday, October 12, 2017

"DADKU CID WAX U BILOWDA AYEY LA'YIHIINE,ADIGU BILOW CID KULA DHAMAYSA WAAYI MEYSIDE GUULEYSTA DHALINTA BILOWDEY ISKAA WAX U QABSO MAR-LABAAD 1964-1967" -------------------------

▪Waxaan Aamin-sanahay maanta Iney Tahay Wakhtigii Ay dhalinta Soomaaliyeed Fahmi lahaayeen Wixii Horey Noo dhaafay Ee Aan Gabnay,Horey Waxaan Ugu dhex-millaney Wax badan Oo Khal-danaa, Lakiin maanta waxaa Muuqata Dhalintu Iney Ku mideysan tahay Sama katallinta Iyo dib Usoo Noolaan- shaha
Sharaf kii Iyo Karamadii Iyo Midnimadii Umadda soomaaliyeed.

▪Waxaa Iimuuqata Inuu dhamaaday Wakhtigii Habac-sanaanta Iyo Hurdada Aan Ku Jirney,waxaana Bidhaameysa Rajo Iyo Ififaalo Wanaagsan Oo dhan kasta Leh, Khaas Ahaan dhanka baaraaruga dhalinta soomaaliyeed, Sidaas darteed Waxaan Leeyahay Qof kasta oo dhalin Ah,Noqo qof ay ka go’an-tahay inuu hormar gaaro, waayo qofku hadaanu lahayn go’aan qaadasho dhab Ah way adag-tahay inuu hormar shaqsiyadeed Ama Mid guud gaadho, go'aan Qaadashada Ayaa Kamid Ah Himilooyin kaada Inaad rumeyso, Wax kastaa Iyo Meel kasto Oo Aad U baahaneyso inaad gaarto Ka Hor Waa Inaad Samir Iyo Go'aan Qaadasho La Imaataa.

▪Qodob ka labaad Waa Inaad Wanaajisaa Xiriirka Aad Illaahay la leedahay, waayo guul xumada ugu horaysa ee noloshu wuxuu ka bilaab-ma in qofku ku guul daraysto inuu la xiriiro Illaahii Abuuray, Markii Aad tahay Qof illahay Ku xiran Waxaad Ku guuleysan kartaa Noloshaada Aduun Iyo Mida Aakhiraba, Marka Inaad guul gaarto Waxaa Qodob ka kowaad Ka Ah Raali Ahaan shaha Illahay Oo Aad raadiso Inta Aad nooshahay.

▪Qodob ka Sadixaad Ifka waxaa ugu ladan qof taladiisii Ilaahay u gacan gashay,Waa Inaad ku kalsoonataa Naftaada Hamigaada Iyo doonistaada Waxma Makusoo kor-dhinaayaan Inaad cabato Ama War-war Aad Ka muujiyo noloshaada maanta Iyo Mustaqbalkaaga bari, Illahay tallada udhiibo markaas Kadib Waa Inaad bixisaa dadaalkii lagaaga baahnaa,Farxada dhabtaa maahan in aadan ooyin ama aadan murugoon, ee waa in aad raali ku tahay wax walba oo maalmuhu kuu qarinayaan kuna mahad naqdaa adiga oo dhoola cadaynaya.  

▪Mida Kale Ma ahan Qofku Inuu Is Dhiibo, Iskana Jabiyo Niyadiisa Quruxda badan Iyo Riyadiisa, Mana fiicna Inuu Arki waayo Awooda Illahay Siiyey, Waa Inuu Isku arkaa, Inuu Wax Qaban karo,Waxna badali karo, Caajisnimadu ma fiicna waana Cudur, Mar hadii aad dhacdid kac mar labaad,kac mar saddexaad Soco waad gartaaye,Ma dhici karto in aad gaartid guul wax ku ool ah adiga oo anan kufin oo kicin marar badan,Sax dhibaato kastaa guul laguma gaaro lakiin guul kasta dhibaataa loo maraa,Fiir Dad ka guulaha Ka gaaray Nolosha,Taariikh-dooda dib uraac Caqabado Waa weyn Ayey ka tallaabeen ,muuhiimadu waa in aadan meeshaada Olaan,balse Waa In Aad Horey Usocotaa,Kana dheeroow dadka niyad jabka abuura ee aan wax rajo ah ka lahayn nolosha, waayo adna waxay kugu dari karaan kooxdooda ka dhacay nolosha.

▪Waxaa Dhibaato Ah Wax Aad qaban karto hadii aad ku ekaatid,marnaba dhaafi maysid waxaad tahay,Wax horay u jiray waad qabsan kartaa oo dhamaystiri kartaa hadii aadan wax cusub la imaan ba, marka Isku day inaad Aduun kaan Wax kusoo kordhiso, adigu maaha Inaad dheeraad Ku Noqoto,Isku day Inaad keento Wax Qiimo U leh dalkaaga iyo dad kaaga,Muhiimadu Waxaa waaye Dad badan ayaan Aduun kaan Kusoo kordhiyey Wax dhaxal gal U Ah adna waad Awoodi kartaa,Maalin kasta tilaabo qaad ugu danbaytii adiga oo jooga guul dhexdeed baad arkin Inshaa'allaah.

▪Waxaa Niyad jabiya badanaa Qofka Khalladaad Ka Uu Gallo,Khaladku mar kasta uu bato guul waa kuu dhowdahay, maxaa yeelay khalad kasta cashar buu kuu yahay, Marka waxaan Kugu dhiiri-nayaa banii'adam Ka Ayaaba loo abuuray Inuu Khaldamo Kadib na Isi saxo, marka waxaa doqonimo Ah khallad kaaga Inaad Ku Adkeysato, lakiin geesinimada Iyo sharafku waa inaad garow-sataa khalad kaaga Aadna bilowdaa wadadii Aad Ku Sixi lahayd sidaas darteed Ku nooloow kalsooni nafeed  ogoowna in dhib kastoo ku soo wajahda ku dhaafayso oo aanay waxba ku yeelayn inaad wax ka barato uun mooyaane,Haka baqin inaad samayso khaladaad waayo waxaynu rug-cadaadnimo ka helnaa khaladaadka aan samayno markaan khalad galno,khalad-kastanaa cashar buu kuu yahay.

No comments:

Post a Comment

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...