Monday, October 23, 2017

Maxaa noodiidan,dawlladnimada Iyo hormar ka.

▪Paul Kagame oo ah M/weynaha dalka Ruwanda waxaa uu dhashay 23 bishii October sanadkii 1957, waa 60 sanno jir kasoo jeeda qawmiyada Tutsiga ee dega koofurta dalka Ruwanda.

 ▪Waxaana uu ahaa yaraan-ka qoyskiisa oo ka koobnaa waalidkiis iyo 5 carur ah oo la dhalatay,Madaxweynaha Ruwanda Paul Kagame, ninkaas itaalka leh ee afka gaaban, ayaa waxa uu had iyo goorba isu soo muujiyaa nin dalkiisa Ka adag.

▪Paul Kagame Mar Uu Ka hadlayey Jadwalka Nolosha Xiligiisii Adkaa Ee Uu Ugu Soo shaqeeyey dalkiisa Wuxuu Yiri"laba saac wax baan Akhrin Jiray Sida buugaagta Ay Qoreen Hogaamiyaashii Guuleystey Iyo macluumaad ka Aduunka ka Jira.

▪Laba Saac Qoys keyga Ayaan laqaadan Jiray,Afar saacna waan Seexan Jiray  16 saacna dalkaan U Shaqayn jiray,Wakhtigey-gana Kuma lumin jirin Inaan madax shisheeye la Kulmo, Iyo Inaan Safaro badan dibada Ku dhameeyo.

▪Ciidan ka Ruwanda Sidii Uu,u dhisay Isagoo ka hadlaya wuxuu Yiri"Waxaa Iigu adkaatay sidaan Ku dhisilahaa Ciidan Qaran Oo dalka Oo dhan ka dhexeeya,Taliyahaan magacaababa Qabiilkiisa Iyo jamhadiisa Ayuu Kasoo buuxiyaa ciidan ka,Waxaan talo ku gaaray Inaan gacan-teyda Ku Qoro ciidan ka Oo Aan Qabto Shaqadii talliyaasha Si Aan U-helo Ciidan Qaran Oo Ay Ruwanda Leedahay.

▪Waan daryeelay,waxaana tusay wadaniyada,Iyo Iney ruwanda Oo Qaran Ah Ciidan Ku Noqon karaan,Sidaas beyna Ku dhismeen Ciidan ka Ruwanda Ee Ah Kuwa Africa Ugu sumcada badan maanta."

▪Mar Uu ka hadlayey Sida Reer Ruwanda U heshiiyeen wuxuu yiri"Sanado badan Oo Aan Qowmiyado U kala Qaybsaneyn,wadamo daris Ah Iyo kuwo shisheeyana nakala taageeri jireen Waxeynu Ogaanay Ineysan Na-heshiisiin karin,Inaan Anagu Heshiino maahane,dadkaan Iyaga Ayaa Is Cafiyey Oo Gaaray Sharafta Iyo dawlladnimada.

▪Waxyaabaha ay dawladiisu qabatay waxaa ka mid ah wax barashada, dhaqaalaha, iyo helida adeegyada caafimaaadka,Caasimada dalka Ruwanda ee Kigali waxaa loo aqoonsan-yahay magaalada ugu bilicda
quruxoon caasimadaha Africa oo dhan.

▪Waxyaabaha lagu dhaliilana waxaa ka mid ah xad gudubyo bini’aadanimada ka baxsan oo dawladiisu gaysatay iyo taageerida ururo hubeysan oo ka aas aasan dalka Koongada dimoqraadiga ah inkastoo xukuumadda
Ruwanda  Ay beeniso eedaaas.

▪Maxaa diidey Anagoo Isku Af ah,Isku diin ah,Isku dhaqan ah,Inaan Ku heshiin-weyno Xukun ka Iyo talada dalka,maxaa noodiidey Inaan Mustaqbal fiican U sameyno Caruurteena Kana hormarino danteena wax-kasto Oo lagu gaarayo Qaranimo Iyo dawlad dhamays Ah.

▪Waxaa naqanaa Hogaamiyaha wanaagsan Calamadihiisa waxaa kamid Ah Inuu yahay Nin Karti leh,kartida marka Sadix miisaan Ayey leedahay, Inuu karti u Leeyahay Hogaamiyuhu Inuu xalliyo dhibaatooyin ka ka jira bulshadiisa dhexdeeda Sida Khilaaf-faad ka,dagaalada Iyo Isku dhaca.

▪Miisaan ka labaad Waxaa waaye hogaamiyuhu Inuu Samayn karo Iskaashi Iyo wadda jir,Inuu Umada dhexdeeda ka samayn karo,Hadey Noqoto dhan ka Wax Is tarka wada Jirka Iyo Midnimada.

▪Miisaan ka sadixaad Ee lagu garto Inuu yahay hogaamiyu Mid karti leh waxaa waaye Inuu samayn karo isfaham Isaga Iyo dad kale dhexdooda, Inuu yahay talla wadaag,Dadkana Qadariyo Afkaartooda Iyo Inuu dhagaysto go'aan kiisuna caduahay.

W/Q:Mahmoud Ali Said Jirde

No comments:

Post a Comment

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...