Friday, October 27, 2017

Dhalan-teed ka Iga daa

•Indhuhu dhalanteed bay arkaan caqliga ama maskaxduna been bay Kuu dhistaa marar ka Qaarkood , dhalanteedku waa marka aad meel fog ka aragto widh widh aad u moodo iney biyo fadhiyaan Midaas ayaa la- yiraahdaa Laguna magacabaa dhalanteed .

• Ishu markey ka fog tahay waa biyo ayey isleedahay, laakiin haduu caqligu si fiican ushaqey-nayo waad garaneysaa inaaney biyo aheyn oo ay meeshu cad-ceedii heyso.

•Hadaad se caqligaaga seexiso oo aad tiraah-do bal ka wardoon laga yaabe iney biyo Kuu noq-daane markaad meesha timaado waxey soo baxeysaa iney dhalanteed tahay.

• Hamiga nafta ee dunida ku saabsana waa noocaa oo wax kasta markuu kaa maqan yahay buu kuu yahay biyahaa hilaacaya, Ee maalintaad se gaadho ayuu kula noqonayaa uun dhalanteed-kaa oo wax weyn aheyn.

•Taasi Waxaan Uga dan-leeyahay Qofka banii'adam Ka Ah Ee Islaam ka Ah Waa inuu san U qaadan guusha  kamadeysta ah goolasha yar-yar Ee Uu gaaro, goor Iyo Ayaan Inta noloshiisa Ah.

•waa sax, waa loo baahan-yahay  inaad  Hadaf-kaaga Xaqiijiso, lakiin guusha Kama danbeysta Ah, waa Inaad U Arkaa tan Aakhiro Una Shaqeystaa, markastana xasuusta Ku Heysaa Iney goal kaaga kowaad tahay.

 

No comments:

Post a Comment

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...