Friday, August 25, 2017

GABAY:ABAAN MAHMOUD ATTO

MULKI DUNIYE RUUX HAYSTOO MOWLE KU IRSAAQAY
■OO MAAL DADOOW DHACAHAYO MICIDA SOOFAYTAY
■ IYO KII AMXAAR MAGANGALAAN LAGA MACAASHAYNE
■NINKII MAAMUL GOBALEED XUKUMAY. MADAXNA LOO DOORTAY
■MEELAYAN JIRIN HADII U MUS NALA JIIRO
■AMXAARADA HADUU MEHERAD IYO MAGAC KA DOONAYA
■ WIXII LAGA MALAYNAAYEY IYO SEEGAYEY MARINKIIYE
■RUUXII MAJNUUNA HOGAAN LAGU MAROOJAYE
■MADAXNIMO HADAY SAATAN TAHAYE MEELNA LAGU GAARO
■ INAY ANIGA MAQANTAHAA EEBE MAHADIISA
■MEEKHAAN SAREEYIYO ADOO SHARAF KU MAAMUUSAN
■CADOWGAAGA. LAMAMAGANLIYO MEESHA KU DARANE
■MUFSAD IYO DULAALIN HADII MEELA WADA KEENO
■Ee TALADA AY MAAMULAN WAA MUSHKULADAANE
■HALKII KHAYRKA LAGA MOODAYEY MAHADHA REEBTAAYE
■HADAY XAAJO KAA MURUGTOHO MEELU BIXI WAYDO
■ADIGOO MACNHA DHUUXAYAAD MARINKA GOOBTAYE
■ HADAAD MALA HABOOWDANA KA DARAN MAALINTII HORE

Abwaan.Mahmoud Mohamed Atto

W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

Thursday, August 24, 2017

MAAN-SADA MUUD

Waxaan U Mahad-cellinayaa Illahay Marka Xiga Waxaa Ku dayasho iyo Raacitaan mudan Nabi muxamed NNKH Intaas Kadib Waxaan U mahad-cellinayaa
Abwaan.Bilaal Ahmed Welli Oo Maan-sadaan Leh Curiyeyna Xiligii Aan Ahaa Dugsiga Sare Anoo Dhiganayey School ka Sare Ee Bosaaso Public Secandary School xiligaas Oo Ahayd 2014 Kii Maansadu Waa Mid Ani igu Saab-san.

1)Muud ina halyeeyoow

2)masuulkii dalkeenoow

3)madaxwayne qaran iyo

4)mudan kiii la baxayoow

5)mashriq iyo ilaa bari

6)muqdishiyo hargaysiyo

7)mudug iyo togdheer iyo

8)mirihii kismaayiyo

9)macdanti baraawiyo

10)malkadii garoowiyo

11)minankii galdogob iyo

12)midig iyo ilaa bidix

13)magaciisu gaaroow

14)muuqiyo hanaankiyo

15)muuqaalka daymada

16)mathal loo hayaamiyo

17)mudan iyo akhlaaq wacan

18)mowlaheen ku beeroow

19)maad iyo culuumtiyo

20)madriskiyo daruusaha

21)maskaxdiisa guud iyo

22)maankiisu galayoow

23)maqrib iyo cishaa'iga

24)masaliyo salaadaha

25)ducadana maqsuudoo

26)mawlaheen yaqaanoow

27)muran iyo canaan iyo

28)dagaal laysku maagiyo

29)kolkay xaajo marantoo

30)madfacoo dhacaayiyo

31)miig tahayba sheekadu

32)geesi lagu mashquuloow

33)maamuus dalkeeniyo

34)magaciisa guud iyo

35)mar horeeto wixi dhacay

36)mudan kiii yaqaaanooow

37)murti loo hayaamiyo

38)maansiyo xikmado wacan

39)macno kiii yaqaanoo

40)maankiisu barayooow

41)sida dayaxa moonkiyo

42)qoraxdoo misbaaxdoo

44)maanshaysay duunyada

45)meeqaam sareeyoow

46)mowlaheen fardowsiyo

47)janadii macaanayd

48)macsuum aad ku noqotoo

49)mirro aad ka guratiyo

50)xural caynta mudanta ah

51)midigtaada seexshaaa

52)mowlaheen barwaaqiyo

53)maamuuska raaxada

54)mushaax aad ku noqotoo

55)kuba aad maqsuudaa

56)mowlaheen dhibaatiyo

57)madal lagu halaagmiyo

58)majac iyo xanuun daran

59)kaa qabay madluumaha

60)mowlaheen culuumtiyo

61)maadiyo duruusaha

62)maahir aad ku noqotoo

63)malahaad ku taamtiyo

64)meeqaamo ka gaartaa

65)miyirkaaga guud iyo

66)maskaxdaadu muudoow

67)marwadaad ku taamtiyo

68)mudan taad jeclayd iyo

69)muunad soo baxaysiyo

70)musbaax ifay jirkaagiyo

71)maankaaga deeqdoo

72)muuqeedu wacanyahay

73)mowlaheen dhabtaadiyo

74)midigtaada seexshaaa

75)muud ina halyeeyoow

76)mudankii dalkeenoow

77)meeqaam sareeyoow

78)muunad iyo ilaysoow

79)masuul loo istaagiyo

80)maareeya gobol iyo
81)madaxwayne guudoow

82)cimrigaagu muudoow

83)mawlaheen ha badiyoo

84)maalmo badanba noloow

85)mudankii dalkeenoow

W/Q:-Muud Ali Said Jirde

FAALO:-Khilaafka Dawllada Dhexe Iyo Maamulada

Waxaa Nasiib darro ah Dad Iyagu-ba Naftoodu Aan Meel Saarneynoo Ciyaal Suuq Ah In Ay Ku dheellayaan Sumcada Iyo Sharaf ka Umadda Soomaaliyeed.

Taasi Waxey Ka dhacdaa Gobol kasta Iyo tuulo Kaste,Waayo Mafahan-siisna Gobonimada Iyo Midnimada dalka.

Umadda Soomaaliyeed Ilaa Bur-bur kii Dawladii dhexe Ee dalka, Meysan Qaadan Go'aan Ay ku mideysan-yihiin dhamaan Madaxda Kooxaha Siyaasada Ee dalka.

Waxaasa Keentey In Loo Arko daneys-tayaal Macaa Uma daneeyaan dad-key Madaxda Uyihiin Iyo dan-guud midna.

Waxaa Lays-weydiiyaa Go'aamada ma waxaa gaara Dad Ama Koox Khaas Ah,
Qodobka Kowaad Ee Midnimo lagu hellaayo Waxaa waaye talla Wadaag In La Noqdo.

Hadii Aan Talla-wadaag la Noqonin Nin kastaa Wuu tashanaa, Waxaana Soomaali kama-qan Waa talla-wadaag In La Noqdaa lagana dhabeeyaa Tallada.

Madooneyno Jug-jug Meeshaada Joog Waxaan dooneynaa Horusocod Iyo Hanaan dawlladnimo Oo dhamays Ah.

W/Q:-Jirde

Saturday, August 12, 2017

Mahmoud Ali Said Jirde Maxaan dad-ku Wax U Qoraan

Horta Su'aal Ayaan Qabaa!!!

Dad-ku maxay uga hadlaan Waxa markaas Aysan Wax-ba ka Qaban karin? Sida Siyaasada,dhaqaalaha,
Arimaha bulshada, Waxbarashada, deegaan ka,caafimaad ka Iyo Iwm Waxaa Ka hadla dad-badan Oo Leh Cullimo, Lecture's Jamacadaha,macalimiinta School da Iyo Ardeyda Iyo dhamaan Cid-kastoo Wax ku Qori karta Luuqadaha Soomaaliga, Englisha Ka iyo Carabiga Iyo Xittaa Kuwo Cod wax ku gud-biya Oo Aan Qoraal Awoodin Si kastaba haku dhacdee.

●Anigu Kolley waxaan Uga hadlaa Arimahaas dhamaan-tood Markaan Arko khaladaad dhacaya Ayaana U dul-qaadan karin Inaan Ka Aamuso.

●Waxaana Muhiimada Kowaad U-siiyaa Hadii wacyi gellin lawaayo Iney Kasii darayso bahashu War-la helyaaba talo lahel.

●Waxaan Is-weydiiyaa Sidee Ayaa loo sixi karaa Arin kaan Xagee Se bahashu Ka Khaldan-tay

●Waxaa Igu soo dhaca meesha Uu caalam-ku maraayo Iyo soomaalidu Maanta Sey Is kugu mashquul-sanyihiin.

● Gaar ahaan waxaan la yaabaa dad-ka Hawl kar ka Ah,Waxaa badanaa Abaal mariya U Qeexana kalinta Ay Ciyaareen Dawllado shisheeye Lakiin Anaga Waxaa Inoo Muuqda khaladad-ka yar yar Ee ay gallaan.

●Waxaa Qoraal Inaan Samaynu Nagu kalifa maanta Qalin Ayaan ridi karnaa Sababtu Waxa weeye Soomaalidu Qoriga haka guurto.

●Waxaan Bulshada uga Hor hadlaa inaan dareen-siiyo masuulliyad Iney nasaar-tahay,khaas Ahaan dhalinta,waxaan Hal-hays Uga dhigtaa kartidooda Ayaan garanayaa Waxaan garanayaa dareen-koodu Inuu Mid-yahay.

●Dad-koo dhan sabab Ayey wax U Qoraan waayo Qoraal bilaa Ujeedo Ah Saan fillaayo Ma jiro Waxaana Ujeedooyin ka qoraal-ka,kamid Ah Kuwaas Iyo Qaar-kaloo badan.

●Dad-ka deegaan-ka, Kaa Yaqaano Ayaa ka hadli kara Wiixii Khuseeya deegaan ka Iyo Dhamaan Wax-yaalaha Xiriir ka La,leh Culuumta deegaan Ka.

●Dhaqaalaha Waxaa Garanaayo Kana hadli kara dad-ka U dhuun,daloola Arimaha dhaqaalaha Khaas Ahaan Kuwa Khuburada Ku Ah dhaqaalaha Ayaa ka tala bixin kara.

●Caafimaad Ka Waxaa ka hadlaayo Qofkii garanaayo,Ayaa laga dhagaysanaa Talo, Laguna kalsoonaan Karaa Waayo wa shaqadiisii gaar Ah kuwa guulaha ka gaaray.

●Maamul Wanaaga,Xukun baahinta, Iyo Isla-xisaabtan ka Waxaa Aragti fiican ka dhiiban kara Qofkii Soo bartey maamul wanaaga Iyo Hab-dhaqan ka Dawliga Ah.

●Qoraal Markaad Samayneyso Waxaa Shuruuda Kowaad Ah Inaad ka hadasho Ciwaan Aad Aqoon U leedahay Si Aad U Noqoto Qof ka hadley mowduuc Cilmiyeysan.

Waxaad Barrato waa baaskaa?


●Khadka ayaa balwad inoo Noqdey,waxaad baratay waa baaskaa iska ma dayn karno har iyo hameen Oline Ayaan nahay Yar iyo weyn rag iyo dumar.

●Waxaad baratey waa baaskaa waxaan kaga mashquull-nay aakhiradeena iyo aduun keena,wuxuu Hoos udhac-weyn ku keenay fir-fircoonidii dhalinta guud ahaan.

●Waxaan lahaan jirnay hami dheer iyo aragri fog lakiin maanta waxaan fiirinaa kun jeer iyo in ka badan facebook ga,whats'app ka,Instgram ka,iyo guud ahaan allada ku shaqeysa Internet ka.

●Maxaynu u fiirinaa facebook posts ka,maxaynu  u Xiisaynaa comments,like,iyo share mayno buugta iyo caawinta waalidka xiisayno.

●Waxaan ka maarmi la'nahay whats'apps waxaana wakhti dheer Oline ahaanaa inagoo ku mashquulsan wax aan dani muhiim ah inoo ku jirin.

●Maxuma inaad isticmaasho internet ka lakiin waxaa khisaaro ah inuu kaa mashquuliyo waxbarashadaada waxaa nasiib darro ah inuu badalo hab dhaqankaaga,taas micneheedu waxaa waaye alladanu waa seef laba-afleh sidaas darteed waxay ku xirantahay saad Uga faa'iideysato.

●Ogow wakhti ma aadan waayin lakiin wakhtigii waxaa kaa Qaatay khad,waxaad Ogaataa inuu Khadku yahay wax-ladoonayo in Asaageen leyna kaga reebo.

●Oline kaan badan wuxuu saameeyey cibaadadeena, waxbarashadeen, Caafimaadkeena iyo guud ahaan fikirkeena.

●Waxaan isweydiinaa nolosheena khadmaa leh,waxaan casharada u fahmi la'nahay xifdiskeenuna layaraaday waxaan nahay dhalin rag iyo dumar ba dhafar daashaday.

●Waxaas waxaa keenaya waxaa nagu yar fahamkii iyo wadadii Sax-nayd Ee Aan uga faa'iideysan lahayn alladaan labada-afleh.

●Bal adigu isweydii intee jeer ayaad gashaa maalinkii khadkaaga, intee ayaa furtaa,intee ayaad tahay qof Oline ah, waxaana daba dhigtaa su'aal kale Oo ah maxaan ka faa'iidey .

●Kuuma diidani Inaad laxiriirto Ehelkaaga kaa fog adoo Aan marayn waddo adag, lakiin waxaan kuu diidanahay inaad ahaato Qof  ku foogan filin  khiyaali iyo wakhti lumis ah.

●Waxaa Astaan iyo caado u ah dadka horumarka gaara waxay qorsheystaan maalintooda taas micneheedu waxaa waaye waxaa tahay qof meeshii doono loo kaxaysan karo hadaadan lahayn jadwal Qorsheynaya maalintaada dhamaanteeda.

●Guusha cidna nagama cellin karto Qofka gaaray-ba uma dhallan, lama dhallan guusha lakiin wuxuu Qaaday kalliya tallaabooyin uu ku hormarinayo noloshiisa kuna xaddidaayo waxa malla-yacniga ah Ee naftiisu doonaso.

●Ufiirso hadii Aad dooneyso inaad buug yar fiir-fiirso waad hurdoon waayo balwad waxaa kuu Noqdey inaad ahaato Oline lakiin hadii aad tahay caawa dhan Oline hurdo daaye caajis maku Qabanaayo.

●Taas maxaa keenaya waxaa daawaneysaa vidieos ka lasoo dhigo facebook ga,Qoraalada lasoo dhigo waxaad wakhtigaaga ku lumineysaa wax badan oo aan xaqiiqada ku dhisneyn.

●Maxaa kuu diidey inaad ka faa'iideysto wakhtigaaga kuna lumiso wax  xaqiiqada ku dhisan waxna ku taraya aduun iyo aakhiraba.

●Ma ahi qof aysan u Muuqanin faa'iidada laga hellayo lakiin waxaan Ahay dad ka ugu badan Ee is leh wuxuu kaa Qaatay wakhti badan,sidaas darteed waxaan jecellahay inaan xaddido Adigana waxaan kugu dhiirinayaa inaad wakhti gaar Ah siiso Oo welliba Aad uga yar sidaad ku ahaan jirtey.

●Intaas yar Een isticmallayno Aan uga faa'iideysano dhanka wanaagsan waayo abaal waxaan ku hellaynaa kalliya, wixii wanaagsan, wixii xun waxaynu ka dhax-leynaa cawaaqib xumo Iyo noloshaada Oo kaa Noqota mid Ku dhisan khiyaali aad ku jireyso intaad dhalinta tahay waana nasiib xumo taasi.

●Caadooyinka dadka guuleysta waxaa kamid ah waxbey akhriyaan waxaan kugu dhiiri gellinayaa yeysan jirin maalin aadan wax-akhrin intey doontaba Ha ahaatee,dadka wax akhriya way ka khibrad badanyihiin dadka kale wayna ka xikmad badan-yihiin taas waxaan u leeyahay Aqoonto maaha shahaado aad Qaadato, waxaad heyso ayaa Ah Aqoon, khibrad, xikmad,Iyo fikir wanaagsan ah.

●Sax shahaadadu waxay cadayn u tahay heerkaaga Aqooneed, lakiin Ardeydu waxay kugu Qiimeynayaan wax aad xambaar-santahay dadku waxay kugu Qiimeynayaan fikirkaaga iyo aragtidaada,xikmadaada iyo khibradaada taasina waxay ku xirantahay intaad cashar daristo.

●Marka waxaa is-weydiin mudan cashar maan darisnaa mise allada intenet ka ayaan darisnaa waxaan xooga saarna wax aan dan-weyni ku jirin inta badan.

●Ugu danbeyntiii waxa inoo fiican inaan Qorshe ka yeellano nolosha,waxaa inoo fiican inaan leenahay qorshe maalin leh ah,Asbuucle ah,bille ah,illaa sanad le adigoo allaah talla saaranaya.

●Maaha inaad Noqoto Qof raba inuu iska jiro, lakiin waa inaan ahaan dad ka faa'iideysta wakhtiga illaahay siiyey, dad ka faa'iideysta dhalin-yaranimada, waa inaan ahaan dad uga faa'iideysta wakhtiga wuxuu illahay raali-ka yahay waa inaan ahaan dad u shaqeysta aduun iyo aakhiraba.

●Caajiska waxaa kugu Ridaya makuu sheegaa waa Qorshe la'aantaada iyo kala daad sanaantaada iyo sheydaan Oo aan kulla rabin guul mid aakhriyo aduunba.

W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde

HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI

Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...