Waxaan U Mahad-cellinayaa Illahay Marka Xiga Waxaa Ku dayasho iyo Raacitaan mudan Nabi muxamed NNKH Intaas Kadib Waxaan U mahad-cellinayaa
Abwaan.Bilaal Ahmed Welli Oo Maan-sadaan Leh Curiyeyna Xiligii Aan Ahaa Dugsiga Sare Anoo Dhiganayey School ka Sare Ee Bosaaso Public Secandary School xiligaas Oo Ahayd 2014 Kii Maansadu Waa Mid Ani igu Saab-san.
1)Muud ina halyeeyoow
2)masuulkii dalkeenoow
3)madaxwayne qaran iyo
4)mudan kiii la baxayoow
5)mashriq iyo ilaa bari
6)muqdishiyo hargaysiyo
7)mudug iyo togdheer iyo
8)mirihii kismaayiyo
9)macdanti baraawiyo
10)malkadii garoowiyo
11)minankii galdogob iyo
12)midig iyo ilaa bidix
13)magaciisu gaaroow
14)muuqiyo hanaankiyo
15)muuqaalka daymada
16)mathal loo hayaamiyo
17)mudan iyo akhlaaq wacan
18)mowlaheen ku beeroow
19)maad iyo culuumtiyo
20)madriskiyo daruusaha
21)maskaxdiisa guud iyo
22)maankiisu galayoow
23)maqrib iyo cishaa'iga
24)masaliyo salaadaha
25)ducadana maqsuudoo
26)mawlaheen yaqaanoow
27)muran iyo canaan iyo
28)dagaal laysku maagiyo
29)kolkay xaajo marantoo
30)madfacoo dhacaayiyo
31)miig tahayba sheekadu
32)geesi lagu mashquuloow
33)maamuus dalkeeniyo
34)magaciisa guud iyo
35)mar horeeto wixi dhacay
36)mudan kiii yaqaaanooow
37)murti loo hayaamiyo
38)maansiyo xikmado wacan
39)macno kiii yaqaanoo
40)maankiisu barayooow
41)sida dayaxa moonkiyo
42)qoraxdoo misbaaxdoo
44)maanshaysay duunyada
45)meeqaam sareeyoow
46)mowlaheen fardowsiyo
47)janadii macaanayd
48)macsuum aad ku noqotoo
49)mirro aad ka guratiyo
50)xural caynta mudanta ah
51)midigtaada seexshaaa
52)mowlaheen barwaaqiyo
53)maamuuska raaxada
54)mushaax aad ku noqotoo
55)kuba aad maqsuudaa
56)mowlaheen dhibaatiyo
57)madal lagu halaagmiyo
58)majac iyo xanuun daran
59)kaa qabay madluumaha
60)mowlaheen culuumtiyo
61)maadiyo duruusaha
62)maahir aad ku noqotoo
63)malahaad ku taamtiyo
64)meeqaamo ka gaartaa
65)miyirkaaga guud iyo
66)maskaxdaadu muudoow
67)marwadaad ku taamtiyo
68)mudan taad jeclayd iyo
69)muunad soo baxaysiyo
70)musbaax ifay jirkaagiyo
71)maankaaga deeqdoo
72)muuqeedu wacanyahay
73)mowlaheen dhabtaadiyo
74)midigtaada seexshaaa
75)muud ina halyeeyoow
76)mudankii dalkeenoow
77)meeqaam sareeyoow
78)muunad iyo ilaysoow
79)masuul loo istaagiyo
80)maareeya gobol iyo
81)madaxwayne guudoow
82)cimrigaagu muudoow
83)mawlaheen ha badiyoo
84)maalmo badanba noloow
85)mudankii dalkeenoow
W/Q:-Muud Ali Said Jirde
No comments:
Post a Comment