●Khadka ayaa balwad inoo Noqdey,waxaad baratay waa baaskaa iska ma dayn karno har iyo hameen Oline Ayaan nahay Yar iyo weyn rag iyo dumar.
●Waxaad baratey waa baaskaa waxaan kaga mashquull-nay aakhiradeena iyo aduun keena,wuxuu Hoos udhac-weyn ku keenay fir-fircoonidii dhalinta guud ahaan.
●Waxaan lahaan jirnay hami dheer iyo aragri fog lakiin maanta waxaan fiirinaa kun jeer iyo in ka badan facebook ga,whats'app ka,Instgram ka,iyo guud ahaan allada ku shaqeysa Internet ka.
●Maxaynu u fiirinaa facebook posts ka,maxaynu u Xiisaynaa comments,like,iyo share mayno buugta iyo caawinta waalidka xiisayno.
●Waxaan ka maarmi la'nahay whats'apps waxaana wakhti dheer Oline ahaanaa inagoo ku mashquulsan wax aan dani muhiim ah inoo ku jirin.
●Maxuma inaad isticmaasho internet ka lakiin waxaa khisaaro ah inuu kaa mashquuliyo waxbarashadaada waxaa nasiib darro ah inuu badalo hab dhaqankaaga,taas micneheedu waxaa waaye alladanu waa seef laba-afleh sidaas darteed waxay ku xirantahay saad Uga faa'iideysato.
●Ogow wakhti ma aadan waayin lakiin wakhtigii waxaa kaa Qaatay khad,waxaad Ogaataa inuu Khadku yahay wax-ladoonayo in Asaageen leyna kaga reebo.
●Oline kaan badan wuxuu saameeyey cibaadadeena, waxbarashadeen, Caafimaadkeena iyo guud ahaan fikirkeena.
●Waxaan isweydiinaa nolosheena khadmaa leh,waxaan casharada u fahmi la'nahay xifdiskeenuna layaraaday waxaan nahay dhalin rag iyo dumar ba dhafar daashaday.
●Waxaas waxaa keenaya waxaa nagu yar fahamkii iyo wadadii Sax-nayd Ee Aan uga faa'iideysan lahayn alladaan labada-afleh.
●Bal adigu isweydii intee jeer ayaad gashaa maalinkii khadkaaga, intee ayaa furtaa,intee ayaad tahay qof Oline ah, waxaana daba dhigtaa su'aal kale Oo ah maxaan ka faa'iidey .
●Kuuma diidani Inaad laxiriirto Ehelkaaga kaa fog adoo Aan marayn waddo adag, lakiin waxaan kuu diidanahay inaad ahaato Qof ku foogan filin khiyaali iyo wakhti lumis ah.
●Waxaa Astaan iyo caado u ah dadka horumarka gaara waxay qorsheystaan maalintooda taas micneheedu waxaa waaye waxaa tahay qof meeshii doono loo kaxaysan karo hadaadan lahayn jadwal Qorsheynaya maalintaada dhamaanteeda.
●Guusha cidna nagama cellin karto Qofka gaaray-ba uma dhallan, lama dhallan guusha lakiin wuxuu Qaaday kalliya tallaabooyin uu ku hormarinayo noloshiisa kuna xaddidaayo waxa malla-yacniga ah Ee naftiisu doonaso.
●Ufiirso hadii Aad dooneyso inaad buug yar fiir-fiirso waad hurdoon waayo balwad waxaa kuu Noqdey inaad ahaato Oline lakiin hadii aad tahay caawa dhan Oline hurdo daaye caajis maku Qabanaayo.
●Taas maxaa keenaya waxaa daawaneysaa vidieos ka lasoo dhigo facebook ga,Qoraalada lasoo dhigo waxaad wakhtigaaga ku lumineysaa wax badan oo aan xaqiiqada ku dhisneyn.
●Maxaa kuu diidey inaad ka faa'iideysto wakhtigaaga kuna lumiso wax xaqiiqada ku dhisan waxna ku taraya aduun iyo aakhiraba.
●Ma ahi qof aysan u Muuqanin faa'iidada laga hellayo lakiin waxaan Ahay dad ka ugu badan Ee is leh wuxuu kaa Qaatay wakhti badan,sidaas darteed waxaan jecellahay inaan xaddido Adigana waxaan kugu dhiirinayaa inaad wakhti gaar Ah siiso Oo welliba Aad uga yar sidaad ku ahaan jirtey.
●Intaas yar Een isticmallayno Aan uga faa'iideysano dhanka wanaagsan waayo abaal waxaan ku hellaynaa kalliya, wixii wanaagsan, wixii xun waxaynu ka dhax-leynaa cawaaqib xumo Iyo noloshaada Oo kaa Noqota mid Ku dhisan khiyaali aad ku jireyso intaad dhalinta tahay waana nasiib xumo taasi.
●Caadooyinka dadka guuleysta waxaa kamid ah waxbey akhriyaan waxaan kugu dhiiri gellinayaa yeysan jirin maalin aadan wax-akhrin intey doontaba Ha ahaatee,dadka wax akhriya way ka khibrad badanyihiin dadka kale wayna ka xikmad badan-yihiin taas waxaan u leeyahay Aqoonto maaha shahaado aad Qaadato, waxaad heyso ayaa Ah Aqoon, khibrad, xikmad,Iyo fikir wanaagsan ah.
●Sax shahaadadu waxay cadayn u tahay heerkaaga Aqooneed, lakiin Ardeydu waxay kugu Qiimeynayaan wax aad xambaar-santahay dadku waxay kugu Qiimeynayaan fikirkaaga iyo aragtidaada,xikmadaada iyo khibradaada taasina waxay ku xirantahay intaad cashar daristo.
●Marka waxaa is-weydiin mudan cashar maan darisnaa mise allada intenet ka ayaan darisnaa waxaan xooga saarna wax aan dan-weyni ku jirin inta badan.
●Ugu danbeyntiii waxa inoo fiican inaan Qorshe ka yeellano nolosha,waxaa inoo fiican inaan leenahay qorshe maalin leh ah,Asbuucle ah,bille ah,illaa sanad le adigoo allaah talla saaranaya.
●Maaha inaad Noqoto Qof raba inuu iska jiro, lakiin waa inaan ahaan dad ka faa'iideysta wakhtiga illaahay siiyey, dad ka faa'iideysta dhalin-yaranimada, waa inaan ahaan dad uga faa'iideysta wakhtiga wuxuu illahay raali-ka yahay waa inaan ahaan dad u shaqeysta aduun iyo aakhiraba.
●Caajiska waxaa kugu Ridaya makuu sheegaa waa Qorshe la'aantaada iyo kala daad sanaantaada iyo sheydaan Oo aan kulla rabin guul mid aakhriyo aduunba.
W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde
No comments:
Post a Comment