Maareeye ayaa wacay xoghayntiisa. Wuxuu u sheegayin ay isu diyaariso safar usbuuc ah oo ay dalka dibaddiisa, maadaama ay shaqo u baxayaan.
Xoghayntii iyaduna waxa ay wacday ninkeeda una sheegtay in ay safar usbuuc ah baxayso.
Ninkii isaguna wuxuu wacay gabadh uu xidhiidh qarsoodi ah ka dhexeeyo, wuxuuna u sheegay in ay xaaskiisii baxayso is la markaana ay labadoodu wakhtiwada qaataan usbuucaas.
Gabadhii, iyaduna waxa ay wacday wiil yar oo ay casharro guriga ugu bixin jirtay waxayna u sheegtay in usbuuc uu fasax yahay maadaama ay mashquul tahay.
Wiilkii yaraa isaguna wuxuu wacay awoowgii (maareeyaha) wuxuuna ka codsaday in uu usbuuc wakhti la qaato maadaama macallimaddu fasaxday.
Maareeyihii wuxuu wacay xoghayntii wuxuuna u sheegay in socdaalka uu ka laabtay maadaama wiilka awowga uu u yahay uu Ka codsaday usbuuc in uu wakhti la qaato.
Xoghayntii waxa ay wacday ninkeeda una sheegtay in socdaalkii baaqday.
Ninkii wuxuu wacay naagtii xidhiidhka qarsoodigu ka dhexeeyay, wuxuuna u sheegay in arrintu kala kacday.
Gabadhii iyaduna waxa ay wacday wiilkii yaraa una sheegtay in casharradii ay soconayaan kana laabatay qorshihii hore.
Wiilkii yaraa wuxuu wacay awowgii una sheegay in fasaxii laga noqday casharradiina u soconayaan.
Odaygii wuxuu wacay xoghayntii una sheegay in qorshuhu sidii hore yahay!!
Illaa iyo hadda waxa aan la yaabban ahay Qofkee qorshayaashan kala kiciyay??
W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde
No comments:
Post a Comment