Hordhac
Abaraha Somalia waxaa ay noqdeen kuwo ku soo laa-laabtay degaan ka samayn xuna ku yeeshay dadka iyo duunyaba,waxayna kusoo kala beeg meen xiliyo kala duwan markas xallada dalku uu ku jiro.
Dhibtaayooyin ka iyo heerka ay gaarto abaaraha ku dhufta wadan ka somalia ayaa sababa Qaarkood inay reebaan xusuus liidata iyo dhacdooyin laga qiiroodo haday noqoto dhanka Biyaha, cuntada,caafimaadka, iyo baadka.
Waxaa sidoo kale Ay gallaaftaan Xoolo baddan inay dhintaan Xallada nolosha dadka oo xumaata iyo inay dellaac cuduro ay keento biyaha nadiifka oo yaraada nafaqa daro iyo xittaa inuu deegaan ku Noqdo mid Aan lagu noolaan Karin.
MAXAA SABABA ABAARAHA SOO NOQ-NOQDA:-
Siyaabaha ay abaartu ku timaado waxaa ugu weyn uguna muhiimsan laba sabababood oo lagu kala magacaabo
Mid rabaani ah iyo
Mid Aadanuhu sababo
Aadanaha ayaa samayn ku yeesha degaan ka iyo inay dhacaan abaaro soo lab-laabta waayo waxay ladagaalamaan degaan ka iyagoo xaalufinaya dhirta si ay dhuxul uga shitaan ama ay ubeertaan,
Sababataasi waa midda ugu weyn uguna macquulsan Ee Aadanuhu uu abaarta sabab ugu noqon karo waana mid aad uga jirta geyigga Ummada Soomaaliyeed Loona tiirin karo abaaraha soo laablaabta Ee hallakeeyey dadka iyo duunyada.
Sababaha rabbaaniga ah Ee Abaraha sababa waxaa kamid ah cimillada deegaan ku Uu leeyahay Ee Asal ahaan ah mid dabiici u ah inuu ku yarayahay roobka leeyahay kuleyl joogto ah ama inuu yahay ba degaan ku mid xilli roobaadka hella roob Aad u yar inayada oo loo tiirinayo Cimillo dabiici ahaan degaan ku u leeyahay.
Sababaha rabaaniga ah iyo kuwa Aadanuhu sababay oo is biirsaday ayaa sababay in lawaayo dhowr xilli roobaad oo is ku xig-xiga( waxa kaloo ku jirta meesha iney abaartu tahay mid Aan gacmaheena ku samaysaney”
Guud ahaan abaaraha soomalia soo maray waxaa loo bixiyey magacyo ilaa hadda loo looyaqaan laguna xasuusto,waxaana kamid ah
-Abaartii Jiitama Ee dhacday sanadkii 1945
-Abaartii daba-dheer Ee dhacdey sanaddkii 1974
-Abaartii caga barar Ee dhacdey sanaddkii 1992
Iyo midi ugu danbaysay Ee dhacday 2011 Kii
Waxaa qaar kamid ah abaarahii soomaray soomalia Ee yeeshay xasuusta, Aadkana loo yaqaan,
Abarahaasu waxay iskugu jiraan kuwo dalka oo dhan ka dhacay iyo Qaar Gobollada dalka ka halakeeyay.
ABAARTII-DABA-DHEER
Markii aan soo qaato labo kamid ah Abaaarihii Aan soo magac-dhabey iyo abaarta hadda ina haysta waxa ay kasimanyihiin waxa ay ku kalla duwanyihiin iyo sidii looga fal-celliyey.
Abaartii dabadheer Ee dalka ku dhufattay sannadkii 1974tii waxa ay la kullan tay Iyada Oo dalka Ay ka jirto Dawllad xoog leh Oo Uu madaxweyne ka ahaa maxamed siyaad barre, Dawlladaas oo haystay Imkaniyaad ka lagama maar maar ka u ah in jawaab fiican ka celliso Aabaatii dalka ku dhuftay.
Waxaa Sido kale Dawlladii Xilligaas ay lahayd Dawllado taageera Oo ay ugu horeysay Midowgii soofiyeeti Oo cawimaad ka gaystay daabullada dadkii abaaruhu ku sameeyeen gobollada dhexe iyo kuwa waqooyi Ee Dalka.
Si kastaba ha ahaatee dawlladii soomaalia Ee xilligaas waxay si wanaagsan U maareyeen gurmadkii Ay U fidisay dadka ay abaaruhu saameeyeen.
Abaarta kale Ee Aan doonayo inaan wax ka dhaho waa abaarta caga-barar lagu magacaabo Ee gobollada koonfureed ku dhufatay sannadkii 1992 dii.
Waxa Ay abaartaasi halleeshay dalka iyadoo dawlladii Somalia Markaas ay bur-burtey
Wakhti dalka dhan ay collaad kasocotay amase dagaal-sokeeye
Xili Ciidamo shisheeye dalka Ay soo galleen
Dunida ayaa abaartaas caga-barar ku bixiyey kaalmo lagu samata bixinayo dadka
Waxaan abaartaas ku dhintey dad gaaraya 800,00 oo ruux
ABAARTII-2011 KII
Sanadkii 2011 kii Ayaa Abaar daran oo macaluul wadata waxay ku dhufatay Somalia,abaartasi waxay ahayd mid calam ka uu qalo dhaan ka muujiyey ,Sido kale abaartaasi 2011 kii waxay kusoo aaday Iyadoo qayb kamid ah dalka ay ku xooganyihiin xarakada al-shabaab isla markaasna ay ka talliyaan meelihii ugu darnaa Ee Ay samayso.
Sidaas daraadeed ma aysan suurto gallin in Hay’adaha gargaarka Ay u suurto gasho inay garaan meelihii looga baahnaa waxaana sii xoogaystay macaluusha.
Waxaa Xiligaas adkeyd in masuul ajnabi ah yimaado dalka lakiin waxaa ku dhiirday yimina dalka Somalia ra’iisul wasarihii turkiga Ee xiligaas Ahna madaxweynaha Turiga Ee Hada rajib dyping ordigan wxaana Turkigu uu keenay Somalia marakiib raashin ah oo wax badan ka qabatay macaluushii,abaartaas waxaa ku dhintey gaaraya 260,000 ruux
ABAARTA HADA:- Abaarta hada taagan waxay soo bilaabtay sanadkii 2015 kii waxayna xalladii ugu xumayd gashay bilihii ugu danbeeyay 2016 kii iyo sanadkaan oo maraya dhamaadka bishii afraad.
Dad iyo xoolo badan ayaa dhintey kuwo kale Ayaa Hadda Qarka u saranyihiin iney dhintaan Hadii Uusan roobku curan Bishan iyo bisha ku xigta.
Abaartani waxay uga duwan tahay abarihii Somalia soomaray Iyadoo gargaarka Caalamiga ah Uu gababsi ku jiro,inkastoo ay socdaan dadaalo muuqda hadana ma ah Kuwo ku fillan mushkillada abaartan.
Ugu danbayntii abaartani oo ah mid si isku mid ah usamaysay dhamaan gayiga soomaalliyeed Ayaa dadkii usoo joogay Abaarihii hore waxay ku tilmaameen Iney kaga duwan tahay abaarihii hore sinaanta ay ku wadda dhuftay dhamaan dhulka soomaliyeed.
Soo-saare:-Qoraa.Mahmoud Ali Said Jirde
Xuquuqda:-Lama Dabici karo Warbixintan hadii Aadan fasax ka haysan Soosaaraha
No comments:
Post a Comment