Gabayo Ku Saabsan Doorashadii Soomaaliya.
Doorashadaas Oo Ahayd Mid Taariikh Ah Ayna Kasoo baxdey Jawaab lagu farxay.
Doorashadaas Waxaa Ku Tartamayey Murashaxiin badan Oo Ay Kala Taageer sanyihiin Dawlladaha Dariska Balse Aakhirkii Waxaa Isugu Soo haray Madaxweynihii Hore Ee Dawllada Federalka Soomaaliya Xasan Shiekh maxamuud Iyo Musharax Farmaajo Oo Horey Usoo Noqday Ra'iisul wasaarihii Dawlladii Badbaado Qaran Ee uu madaxweyne Ka Ahaa Madaxweyne Shiekh Shariif Shiekh Axmed.
Mudane Xasan Shiekh maxamuud Ayaa Taageero Ka Haystay Dawlladaha Deriska Iyo Guud Ahaan calaamka,Taas Se Ma ahayn Mid Ay ku faraxsanyihiin Umadda Soomaaliyeed Badankoodu iyagoo kusoo daalay afartii sano oo uu hayay johorada xilka madaxwaynanimo ee dalka oo ay ku dhaliileen musaasuq,wax is daba. marin iyo gaal kalkaal.
afartii sanuu shilin urursi iyo shawr qamaar galaye
sharaftii dalkuu ciida gashay oona shaabadaye
shaki buu dalkii kala dhex dhigay shoog xun oo ba ane
shuluq gaalku diro buu ahaa shar iyo shaydaane
xasan sheekh hadaan loogu shubin waa shukri ilaahe dheh.
Farmaajo Ayaa Taageero Ka Haystey Shacab Ka Soomaaliyeed Iyo Kalsooni Aad U ballaaran Nasiib Wanaag way U rumoowday Riyadoodiii raagtay iyagoo aad ugu farxay markii ay maqleen farmaajo inuu kusoo baxay xilka madaxwaynaha qaranka waxa ayna mahad naq iyo bogaadin u direen xilibaanadii wadaninimada muujiyay.
Dhagar diide xilibaanadi dhaladka waynaaye
dhaartiyo kitaabkii haday kaga dhabeeyeene
iska roge dhaleecayntii iyo dhaawici jiraye
xilka waxay u dhiibeen nimaan dhaqan naqanaaye
dhawrkii bilood buu hantaday dhiig kalsoonimo e
dheel dheel kumuu helin shacbiga dhalin yartisiiye
wayeelku uma dhafreen dhaws hadu yahay
dhabada gaarigi nooga jabay yuu dhaqaajiyaye
gudcurkuu na dhaafiyay intuu layrar no dhigaye
naga dhici waraabaha intu dhagax ku tuuryey
dhinacyadana awd geesibaan dhaguhu laabnayne
noo dhaam amxaarada kuwii so dhawayn jiraye
dhiiranimada iyo daacaduu dhaafsanayn lacage
waa nimaan dhexqaad iyo aqoon dhuumashiyo ceebe
xilkuu dhabarkow riday eebahay haku dhaqaaleeyo
guusha kadib markii uu farmaajo ku guulaysty xilka madaxwanaha waxaa dalka guud ahaan laga dareemay xamaasad wadaninimo iyagoo iskugu soo baxay fagaarayaasha iyo baxdaha magaalooyinka iyagoo u muujiyay dawlada kalsooni soona dhaweeyay
guusha caawa farmaajo
tartankii uu ka gaaray
gudoonoow madax wayne
Geesigeenii halyeeygoow
Garabkaa qabay eebe
Calankaagu ma gaabto
Guntigaagu ma jeexmo
God abeeso ha tiinban
Dhagar gaalo samaysay
Gogoshaada ma laabto
Waligaa na gardaadi
U gurmoo shacabkaaga
U gargaar dalka hooyo
Gabaygii lagu qaaday
Sacabkii la garaacay
Wax sarkaal gumuc wayn li
Ciidan tuuta galaalan
Gaardiyaan si dareen leh
Waxa qaylo kor guuxda
Gariirkeeda rasaasta
Cirka uu sare gaaro
Wuxu gaari rakaaba
Guradiisa uu yaalo
Garaadoow calankeenu
Hadba gees u socdaaloo
Soomaalaay gam`a wayneey
Goortan toosa la qaado
Gudcurkii naga suulyay
Gayigeenii ilaysbaa
Wada gaaray iftiinshay
Geedigiina dhaqaaqyay
Anaa kaa guda wayn iyo
Gobolaysi dhamaayoo
GABRE qaaday xasiiga.
gun iyo gabagabadii halkaas waxaa ka dhalatay dawlad shacab waxaana ummada soomaaliyeed taageeridoodu muujinaysaaa bisayl iyo rabitaan qaran mideeya.
Abwaan:-Bilaal Axmed Cismaan
W/Q:-Mahmoud Ali Said Jirde
No comments:
Post a Comment