Author Jirde
Wednesday, September 2, 2020
HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI
Wednesday, January 22, 2020
FARQIGA U DHAXEEYA MUWAADIN IYO WADANI
Muwaadin waxaan ku macnayn karnaa inuu yahay ruux ama qof dalka u dhashay ciid ahaan, sidoo kale wuxuu muwaadinimada ku heli karaa Oo ku noqon karaa qofku nidaam Iyo sifo sharciyeysan Oo uu u maray. Muwaadin ka dalkiisa waxaa ka saaran mas’uulliyat sidoo kale isagana wuxuu leeyahay xuquuqaat, mudnaan siin iyo qaddarin dheeraad ah.
Muwaadinimadu waxey midayneysaa Oo ay astaan u tahay dad meel gaar ah ku wada nool, sida muwaadiniinta soomaaliyeed Ee dalka gudihiisa ku nool, kuwaas Oo dalka gudihiisa ay ku mideysay dhalasho ciid ahaan, ama dad markaas ku hellay muwaadinimada sifo sharci ah. waxaa dad kaas ka saaran dalkooda mas’uulliyaad sidoo kale waxey ku leeyihiin dalka gudihiisa xuquuqaat.
¶XUQUUQDA MUWAADIN KA
Waxaad xaq u leedahay muwaadin xorriyada isu socod ka dalka, waxaad maanta safar ku mari kartaa meesha Aad doonto, waxaad heli kartaa inaad ehel kaaga ku booqato meelo kala duwan Ee dalka gudihiisa ah. Waxaa lagaa fogeeyay in wax xayiraad ah lagu saaro, waxaana tahay muwaadin dhaq dhaqaqiiisa xor u ah. wuxuu muwaadin ka xaq u leeyahay meeshuu doono inuu ka dago dalkiisa, waxaana xaq u leedahay daganansho meesha Aad adigu jeceshahay Ee dalka gudihiis ah.
Muwaadin ka sidoo kale wuxuu leeyahay sida ku qoran dastuur keena, xorriyada firkir ka, waxaad leedahay inaad fikir kaaga Aad soo bandhigi karto , tusaale ahaan adigoo adeegsanaayo qoraal, haddal, gabay iyo dhamaan qaab kasto Oo Aad ku gudbin karto aragtidaada, wuxuu sidoo kale muwaadin ku xaq u leeyahay xoriyada dhaqan ka iyo mida diiinta, waxaana jiro shucuub badan kuwaas Oo Aan ahayn isku diin iyo isku dhaqan .
Muwaadin ka xuquuqda uu ku leeyahay dalkiisa gudihiisa waxaa kamid ah inuuu samayn karo qeybna ka noqon karo banaan bax, waxaad ka qeyb geli kartaa fagaarayasha mid isku tag iyo mid dhaq-dhaqaaq intaba sida ku cad xuquuqaad ka muwaadiniinta Ee ay ku leeyihiin ciidiisa, waxaad tahay Oo xorriyad laguu siiyey inaad samayn karto banaan baxa sidoo kale inaad qeyb ka noqon karto kullmada kala duwan Ee bulshada dhex-deeda.
Waxaa muwaadinka mamnuuc ka ah in ciidiisa loogu muujiyo adoonsinimo, waxaana laga dhowray ciidiisa inuusan maxbuus ku noqonin sifo sharci ah mooyaane, waxaa uu xaq u leeyahay muwaadin ka xorriyada difaac Ee noloshiisa, gaar ahaan markii cadow banaan ka kaga imaado, wuxuu xaq u leeyahay muwaadin xuquuq la xiriirta xeer badalasho iyo wixii lamid ah.
Wuxuu leeyahay muwaadin ku xuquuq shakhsiyeed sida xuquuq siyaasadeed iyo mid dhaqaale, waxaad leedahay ka muwaadin ahaan inaad qeyb ka noqotid arimaha dhaqaalaha iyo siyaasada, waxaad sidoo kale door ku leedahay in fursad lagu siiyey xuquuq shakhsi ah Oo Aad ku difaacan karto inaad qeyb ka noqon karto arimaha siyaasada iyo dhaqaalaha.
Wuxuu leeyahy muwaadin ku inuu yeesho xuquuq hanti gaar ah sida ku cad qawaaniinta la xiriirta xuquuqda Aadanaha ( Human right ) ka. waxaad leedahay inaad yeelan karto hanti gaar ah Oo adiga si gaar ah Aad u leedahay adiga Oo Aan war-war iyo cabsi Aan ka qabin wax dhibaato ah laguu geysan karo, balse wuxuu xeerku dhigayaa in laguu difaaco hantida gaar ka ah.
Muwaadin ku wxuu xaq u leeyahay inuu helo adeega dad weynaha Ee ay dawladu bixiso sida caafimaad ka waxbarashada iyo biyo nadiif ah, waxaa u leedahay muwaadin xaq inaad hesho adeegaas. Waxaad xaq u leedahay heli taan ka deegaan kugu haboon Oo Aan caafimaad kaaga wax u dhibaynin, waxaad leedahay xuquuq la xiriirta shaqada iyo hellitaan keeda.
¶MAS’UULLIYADA IYO WAAJIBAAD KA MUWAADIN KA
Waxaa laga doonayaa muwaadin ka Oo ah mas’uulliyad iyo waajibaad saaran inuu adeeco xeerarka iyo qawaaniinta dalka u yaalo, kuwaas Oo ay meel mariyaan gollaha xeer dajinta, waxaa laga doonayaa inuusan ka hor imaanin dastuur ka iyo shuruucda caam ka ah Oo dawlada ay soo saarto kuwaas Oo ay dhaqan geliyaan muwaadiniinta dalkaas gudihiisa ku nool, waxa weeyaan waajibaad iyo mas’uulliyad saaran inuu raaco shuruucda dalka u taal.
Waxaa waajib ku ah muwaadin ka inuu bixiyo canshuurta dawlada ay soo rogto, waxaad garan kartaa dawladu iney bixiso adeega dad weynaha sida ka shaqeynta amniga muwaadiniinta iyo bad qabkooda, taasina waxey ku socotaa canshuurta dawladu ay qaado, taas Oo ay qeyb khas ab inuu bixiyo muwaadin kasta Oo awooda inuu bixiyo canshuurta laga rabo iyaduna waa waajibaad iyo mas’uulliyad saaran muwaadin ka.
Waxaa waajib ku ah muwaadin ka ilaalinta qaranimada dalkiisa, waxaana laga doonayaa inuu qayb ka noqda arimaha lagu hormarinayo qaran kiisa, waxaaa laga doonaya ayaa ah inuu noqdo muwaadin waxtar u leh dalkiisa gaar ahaan waxaa muhiim ah inuu hurri karo naftiisa maalkiisa iyo caqligiisa aragtidiisa iyo wax tarkiisa guud ahaan. Waa waajibaad iyo mas’uulliyad saaran muwaadin ku inuu ilaaliyo danta qaran ka.
Waajibaad ka saraan muwaadin ka waxaa kamid ah markii cadow ku soo duulo dalka hadii laguu baahdo inaad qeyb ka noqoto difaacida ciidaada dalkaaga iyo dad kaaga, waxaana ay tahay waajib saaran muwaadin ka hadii loo baahdo. Waxaa waajib ku ah muwaadin ka inuu daba galo Oo raaco saraakiisha ciidan ka Ee amniga sida kuwa booliis ka iyo guud ahaan adeecida madaxda dalka.
¶WADANI
Wadaniga isaga waxaan ku macnayn karnaa muwaadin ka inuu kaga duwan yahay Oo kali ah dareen lahaansho dad iyo dadeed. waa muwaadin, lakiin wuxuu leeyahay Oo u dheer muwaadinimada fikir iyo gubasho dheeraad ah taas Oo siineyso taageeridiisa mudnaanta iyo saraynta sharciga Ee dalkiisa.
Dhamaan wadanniyiintu, waa muwaadiniin, taas badal keeda qof kasta Oo muwaadin ah, maaha waddani, waxaa jirta Oraah dhahaysa in la helo tiro badan Oo muwaadiniin ah waxaa dhaanta in la helo tirro yar ah Oo waddaniyiin ah. waxaa ay kaga duwan yihiin muwaadiniinta waxey leeyihiin fal ay ku laran tahay dareen sid dalkooda iyo dad kooda.
Wadani waa qofka dhib iyo dheef ba la qeybsado bulshadiisa, wuxuusan meelna u dhaafin bulshadiisa, wuxuuan jecel yahay Oo markasta ku hamiyaa kuna fikiraa siduu dalkiisa uga saari lahaa dhibaatada, sidoo kale wuxuu ku farxaa markuu dalkiisu ku jiro marxalad wanaagsan, wuxuu leeyahay dareen khaas ah kaas Oo uu diirada ku saarayo maraxalada dalkiisa uu marayo wanaag iyo xumaan intaba.
Faa’iidada ay leedahay wadaninimadu waxey tahay iney bulshadaasi dhulkooda ay jeclaato, kana ilaaliso wixii gabi ahaan ba u geysanayo dhibaato, waxey sheegaan dad ka ku xeel dheer arimaha bulshada, khaan ahaan markii laga hadlaayo doorka muwaadiniinta ay hadii ay dalkoda jecel-yihiin waxaa addag inuu cadow soo damaaciyo Oo wadad si gaar ah deegaan kooda u danqada.
Waxey ku yeeshaan dalkiisa gudihiisa xushmad iyo qadarin dheeraad ah dad ka wadaniyiinta ah sababtuna waxey tahay waxey jecel-yihiin wax kasta Oo wanaag ah waxeyna digniin ka bixiyaan dhibaato kasta iyo fal kasta Oo lid ku ah qaranimada iyo danta guud,sidoo kale waxaa la dhahaa dad ka wadaniyiinta ah waa dad xushmeeyo afgaarta kale Oo wadad leh aragti fadhida.
Waxey noqdaan muwaadiniinta sida qaalib ka ah astaan iyo tusaale wanaagsan oo bulshada intiisa kale ay ku deydaan, waxaana keenaya ka shaqeynta iyo taageerida go’aamada wanaaga iyo danta ummadu ay ku jirto maaha, dad u shaqeysto calooshooda, waxaana kala weyn wax kasta qiyam ka iyo danta caam ka ah Ee qowmiyadaas ama ummadaas, sodas ayey ku noqdeen baddana hormud ka laga xuso markiiba.
Author Jirde.
Saturday, January 18, 2020
Hambalyo gudoomiyaha galmudug
Sunday, November 5, 2017
Maqaal:Dekada Boosaaso
°Lagama fiirsan wareejinta Dekada boosaaso ayaan qabaa,waxa lagu wareejiyey-na waa bur-cad badeed, waayo iyagoon Aan talaaba qaadin ayey canshuur dheeraad ah Kusoo rugeen doonyihii quudka keeni jiray.
°Waxaa kasii daran xukuumada gaas hogaamiyo waxey soo Arkeen bar-bara, seylac, Iyo dekado badan Oo Ay shir-kad ku sheegaan soo maamushay kuna guul darays-teen.
°Waa in shacab ka loo turaa,barlamaan ka waxaa fiican Iney meel mariyan go'aanada masiiriga ah Ee samayntiisu badan tahay, waxaa looga fadhiyaa wajibaad ka saaran iney gutaan,gaar ahaan heshiis-yadaan Sharciga baal marsan Ee la qaadayo.
°Baarlamaan ku waa matalaaga shacab ka, marka ilama qurux badna iney noqdaan kuwo magac u-yaal ah, ha maareeyaan Khaladaad ka siyaasadeed Ee jira.
°Shacab ka gobol ka bari, puntland iyo guud ahaan Umadda soomaaliyeed ma Aqbali karaan gunimo 30 Sano ah waxa ka danbeeyana Aan la qiyaasi karin Adeerayaaloow faraha nagala baxa Anagaa dhisan karno.
°Niman kaan Fig-tii Ugu horeysay laga cabanayo miyaa 30 sano loo dul qaadan karaa, waa maya say ila-tahay, ka hortag malahee,halaga daba tago waxna halaga badalo heshiis kaas.
°Waxaan boogaadinayaa Nabadoonadii, samadoonadii wax-garad kii Iyo Aqoon-yahan kii qoraal ka,kasoo saaray arintaas.
°waxaan kaloo soo dhaweynayaa Heshiis-kii Ku meel gaar ka ahaa Ee la gaaray kama damaystii,Kaas Oo sheegaya In dekada mudo 10 bari ah Nidaam-keedii hore Ku shaqeyso.
°War dhamaan-tiis Shaqalaha iyo dad ka dan-yarta, masaakiinta ah Ee noloshooda ka dhac-san jiray dekada boosaaso waxaan leeyahay dul qaata, cabashadii iyo mudaharaad kii Aad samayseen Waxa ugu yar Ee u badalay waa 10 kaas bari.
• kuwa madaxda lagu shegaya wa manfaca doone.
•ka midaysan maal laga tabciyo moshin daba yaal.
•majo bay noqden Mel haday madax ahayeene.
•shisheeyaha Ku maadsana hayay daba maqiiqnaan.
•masiirkii dalkiyo dile sharciga madanigahaye.
• maamul xumada way kaga daren moogna taladiiye.
•miciin waxay bidaan maysarkiyo malabsi ceebede.
• masaalixo ma yeshaan inatay talada meershan.
• siyaasado marooray inta nagula meeraysan.
•manweelada shacbiga lagu hayana kama maradan.
•shisheeyuhu wuxu magan yahay kama masayraane.
•waxa miiska ceebeed na dhigay madax Ku sheg weeye.
Gabay-ga: liibaan siciid dugsade
W/Q: Mohamoud Ali Said Jirde
Friday, October 27, 2017
Kalluumeysiga Somaliya
•Soomaaliya waa wadan kamid Ah 54 dal Ee Qaarada Afrika,waxeyna ku jirtaa wadamada dihin Ee Aan welli dhab looga faa'iideysan, Calaam ka Oo dhan Ayaa U Arka bar dahab Ah Oo dhex-taal wadamada bariga Africa lakiin Waxaa laharay dadkeeda.
•Saan wada Ognahay wadan-keenu Waa Cogor bad iyo biriba waa buuxa, wuxuuna
Ubaahan-yahay kali Ah dad kii ka faa'iideysan lahaa,Wuxuu tabayaa wadan kani dad leh Aqoontii looga Faa'iideysan lahaa khayraad kaas tirada badan.
•Kheyraad ka Soomaaliya Waxaa kamid ah kaluun ka,waayo waxaan leenahay Xeebta ugu dheer Qarada Africa,mar ka kaluun ka, ku jira bada soomaaliya waa hanti soomaaliyeed waxaana Muhiim Ah In lahelo Siyaasad lagu ilaalinayo loogana faa'iideysan karo.
•Saad Ogtihiin maantey Oo tariikhdu tahay 24-10-2017 Ka,waxaa ka dhacay Hoolka jaamacada bariga Africa Faraceeda garoowe shir wayne Quseeyey shirkadaha kalumaysiga Somaliyaa waxaana kasoo qayb galay Shirkaas wasiir ku xigeen ka dowlada faderalka Somalia.
•Waxaa Sidoo kale Kasoo Qayb gallay wasiirada wasaaradaha kaluumeysiga maamul goboled-yada kala ah Puntland, Hirshabele, Galmudug, Jubland, iyo Konfur galbed somalia.
•Shirka-dahaas,madaxda Ka Qayb gallag iyo guud ahaan Shicib ka Soomaliyeed waxaan leeyahay Aan ilaashano dalkeena Iyo kheyraad kiisa, waa dhaxal soomaliyeed, waxaan nasiib daro ah In Qaab bilaa sharci Ah leysaga gurto .
Dhalan-teed ka Iga daa
•Indhuhu dhalanteed bay arkaan caqliga ama maskaxduna been bay Kuu dhistaa marar ka Qaarkood , dhalanteedku waa marka aad meel fog ka aragto widh widh aad u moodo iney biyo fadhiyaan Midaas ayaa la- yiraahdaa Laguna magacabaa dhalanteed .
• Ishu markey ka fog tahay waa biyo ayey isleedahay, laakiin haduu caqligu si fiican ushaqey-nayo waad garaneysaa inaaney biyo aheyn oo ay meeshu cad-ceedii heyso.
•Hadaad se caqligaaga seexiso oo aad tiraah-do bal ka wardoon laga yaabe iney biyo Kuu noq-daane markaad meesha timaado waxey soo baxeysaa iney dhalanteed tahay.
• Hamiga nafta ee dunida ku saabsana waa noocaa oo wax kasta markuu kaa maqan yahay buu kuu yahay biyahaa hilaacaya, Ee maalintaad se gaadho ayuu kula noqonayaa uun dhalanteed-kaa oo wax weyn aheyn.
•Taasi Waxaan Uga dan-leeyahay Qofka banii'adam Ka Ah Ee Islaam ka Ah Waa inuu san U qaadan guusha kamadeysta ah goolasha yar-yar Ee Uu gaaro, goor Iyo Ayaan Inta noloshiisa Ah.
•waa sax, waa loo baahan-yahay inaad Hadaf-kaaga Xaqiijiso, lakiin guusha Kama danbeysta Ah, waa Inaad U Arkaa tan Aakhiro Una Shaqeystaa, markastana xasuusta Ku Heysaa Iney goal kaaga kowaad tahay.
HANTI WADAAG VS HANTI GOOSI
Waxaan doonayaa qoraal koooban Oo is barbardhig ah inaan ku sameeyo labada aragti dawladeed Ee ( capitalism ka iyo communism ka ) . Ereyga h...
-
Sheekh Omar ayaa waxa ka badan 20 sanadood ku xirnaa Xabsi kuyaal USAAllaha unaxariistee waxaa xabsi kuyaal gudaha wadanka Mareykanka ku gee...
-
MUWAADIN VS WADANI Muwaadin waxaan ku macnayn karnaa inuu yahay ruux ama qof dalka u dhashay ciid ahaan, sidoo kale wuxuu muwa...
-
DIGNIIN . Xadiis Saxiix Ab buu micnihiisu wuxuu Ahaa Inuu Nabigu yiri nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha Ahaatee. ...